Liibiya oo Dayn Badan lagaga Yeeshay Daaweynta Dhaawaceeda Dibadaha loo Qaaday

0
398

Sarkaal ka tirsan Golaha Dalka liibiya oo ku sugan Magaalada Masaraatah Mr Cali Boosteh ayaa sheegay in daynta Liibiya lagaga yeeshay daaweynta dadkeeda dhaawaca ah ee dibadaha loo qaaday ay gaadhayso 130 Malyuun oo Doollarka Maraykanka ah. waxana uu ku eedeeyey Xukuumadda Liibiya in aanay ahmiyad siinin arimahaasi, taasina ay keentay in dayntu is dul fuusho oo xadka intaa le’eg gaadho.
Mr Boosteh oo u waramayey wakaaladda wararka ee Dalka jarmalka waxa uu cadeeyey in daymaha ay cisbitaalada dalka turkigu ku leeyihiin dadka reer Liibiya ee dhaawac ahaanta loogu qaaday in cadadkeedu u dhexeeyo 30 ilaa 40 Malyuun oo doollar, xilii ay halkaa ku sugan yihiin dad gaadhaya Kun qof oo dhaawac reer Liibiya ah, badankoodana ay ka soo jeedaan magaalada Masaraatah.
Sida la ogyahay illaa 14 dawladood oo caalamka ah ayaa la geeyey dad ku dhaawacmay dagaalada ka jira wadanka Liibiya tan iyo markii kacdoonkii shacab ee 17 Feb 2011.
 

Leave a Reply