Goobaha Ganacsiga Iyo Munaasibadii Ciida

0
384

Goobtu waa Suuqa Waaheen oo ka mid ah Suuqyada ugu waaweyn caasimada Hargeysa waa habeen ay soo galayso Ciidal Adxa waana habeenkii ay sabtidu soo galaysay wakhtiguna waa 7:00 fiidnimo waxa halkan ka jira buuq cidhiidhi iyo is riix riix aad u badan kaas oo ay aad u adagtahay inaad gaadho meherada aad wax ka iibsan lahayd waxa jidadka mashquul ka dhigay dhalinyaro iyo dad iyagu usoo baxay sidii ay u iibsan lahaayeen dharka ciida waxa dadka kala hagaaya askar iyagu sida gaadiidka kolba qayb joojinaayo si ay wadadu u banaanaato, waa habeen ruuxii goob jog ahaa aad ula yaabayay muuqaalka iyo samxada goobahan ka jirta.
Axmed Cismaan Aadan oo ka mid ah Dhalinyarada Iibisa Dharka iyo Kabaha kala duwan ayaa barnaamijka u sheegay in xiliyadan oo kale marka ay Iidu soo dhawdahay aanay Nasan sida ay u shaqaynayaana ay tahay mid ka duwan sidii ay hore ugu shaqayn jireen oo ay dadka u adeegaan saacado ka badan intii hore ay u shaqaynayeen, laakiin ciidan aad ayay u yaryihin dadka wax kaa iibsanayaa oo lama mid aha ciidihii hore laaiin waad dareemaysaa inay ciid tahay.
Axmed ayaa mar aanu waydiinay faraqa u dhexeeya Iidan iyo tii kal hore marka loo eego dhaqaalaha iyo sida ay dadku u iibsanayaan dharka iyo agabka guud ahaan ayaa  sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya wax ka sii dara mooyaane aanay waxba ka soo rayn, isla markaana uu sicir bararka iyo alaabta qaaliyawday ay kor u kacdo taasina ay keentay inay ciidani ka duwanaanto ciidihii hore.
Axmed oo mar kale ka hadlaayay dhq dhaqaaqa suuqa ayaa yidhi:“Dadkeenu si wal oo ay u danyaryihiin hadana marka ay Ciidu timaado waxaad arkaysaa iyaga oo gabi ahaanba dhar wada iibsanaya, taasi waa Arsaaqadda Ilaahay ee waasaca ah oo ruux walba Arsaaqadiisa u qoray maalintuu dhashay. Caruurta yar yar ee wax naga iibsanaysaa waxa ay inta badan ka soo wada jeedaan qosas danyar ah hadana waxaad arkaysaa hooyo 8 caruura wadata oo danyar ah, isla markaana caruurteeda u wada iibinaysa dharka, ama ha u soo amaahato ama ha la soo siyee caruurtooda way ciidsiiyaan, waanay ka farxiyaan. Qiimaha dharku hada wuu ka qaalisan yahay sidii sanadkii hore, run ahaantiina qiimaha dharku waxa uu la socdaa doolarka”.
Sidoo kale mid ka mid ah Hoooyooyin aad u tiro badan oo ku sugnaa suuqaas ayaa tidhi “Runtii aad ayaan u faraxsanahay maxaa yeelay waxa aynu ku dhawnahay maalintii aadka u farxada badnayd ee ‘Ciidal Adxada’, waxaana sidoo kale dareenkaas farxadda leh ila wadaaga caruurtayda oo aan hada u socdo inaan u soo iibiyo dharkii Ciida.”.
Jawigu inuu ka duwanyahay kii ciidii hore ayaa ah mid aad dareemayso in kastoo uu jiro samaxad aan baaxad ahayn tii ciidii Ramadaan.

Leave a Reply