Ma ogtahay?! Qaar ka mid ah kabaha ragu xidhaan ee aduunka ugu qaalisan

0
445

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu kusoo qaadanaynaa qormadan mid ka duwan qormooyinkeenii hore, akhriste ka waran kabahan ragau gashadaan ee qiimahoodu gaadhayo kumanaanka doolar lagu iibsanaayo halka dalkeena kuwa ugu qaalisan ay yihiin inta aan ka war hayo kabaha la yidhaahdo Safaari ee dalka Kenya lag keeno ee la siiyo &40 doolar.

  1. Kabahan oo lagu magacaabo Testoni ayaa ah kabaha ugu qaalisan suuqyada lagu iibiyo inta la diwaan galiyay kabahan oo ah nooca ay ragu gashadaa ama loo yaqaan boodhka ayaa waxa soo saarta warshada la yidhaahdo Bologna  kaas oo uu aasaasay Amedo Testoni sannadkii 1929.  Waxay kabahan qiimahoodu taagan yahay lacag dhan $30,000. Waxaanay siadaas ku noqdeen kabaha ugu qaalisan aduunka ee ay ragu xidhaan.
  2. Kabahan oo lagu magacaabo Louis Vuittonayaa ah kabaha labaad ee ugu qaalisan suuqyada lagu iibiyo inta la diwaan galiyay kabahan oo ah nooca ay ragu gashadaa ama loo yaqaan boodhka. Waxay kabahan qiimahoodu taagan yahay lacag dhan $10,000.
  3. Kabahan oo lagu magacaabo Aubercy ayaa ah kabaha saddexaad ee ugu qaalisan suuqyada lagu iibiyo inta la diwaan galiyay kabahan oo ah nooca ay ragu gashadaa ama loo yaqaan boodhka, waxaanay ka samaysan yihiin qaybo ka mid ah Diamond. Waxay kabahan qiimahoodu suuqyada ka taagan yihiin qiime u dhaxeya $3,000 ilaa $4,500 waxaanu qiimuhu ku xidhan yahay hadba size-ka ama numberka uu qofku xidhanaayo.

 

  1. Kabahan oo lagu magacaabo Stefano ayaa ah kabaha afaraad ee ugu qaalisan suuqyada lagu iibiyo inta la diwaan galiyay kabahan oo ah nooca ay ragu gashadaa ama loo yaqaan. Waxay kabahan qiimahoodu taagan yahay lacag dhan $2,000.

 

  1. Kabahan oo lagu magacaabo Berluti ayaa ah kabaha shanaad ee ugu qaalisan suuqyada lagu iibiyo inta la diwaan galiyay kabahan oo ah nooca ay ragu gashadaa ama loo yaqaan. Waxay kabahan qiimahoodu taagan yahay lacag dhan $1,830.
    2

Leave a Reply