Madaxweynaha Liberiya: Ma Jiraan Ebola Ku sii Fidaya Dalka iyo Mushkilad soo beegan midna

0
386

Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Libeeriya Mss Ellen Johnson-Sirleaf ayaa ku dhawaaqday in xaaladda cudurka Ebola ee dalkeeda gacanta lagu hayo oo la hakiyey, isla markaana digniinaha ka imanaya khubarada Qaramada Midoobay iyo dawlada Maraykanka ee sheegaya in Kumanaan ruux u dhiman doonaan cudurkaasi ay yihiin digniino iyo warbixino dhamaantood khalad ah.
Madaxweynuhu waxay hadalkan ku sheegtay Waraysi ay siisay Telefishinka France Press maalinimadii Khamiista ka dib markii ay soo baxday warbixin ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ku saadaalinayso in ugu yaraan Labaatan Kun oo ruux ay waxyeelada cudurka Ebola ugu dhiman doonaan inta lagu jiro bisha Novembar ee sanadkan, xilli ay xarunta ka hortagga cudurada faafa ee Dalka Maraykanku digniin ku soo saartay, in Boqolaal kun oo ruux uu asiibi doono Ebola hadii aanla qaadin talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagaga hortegayo.
Mss Sirleaf oo arimahaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi: “Waxaanu bilownay halkan caasimadda Liberiya in xaaladu deganaansho ku soo noqoto, iyadoo ahayd halkii ay ka dhaceen mowjadaha Virus-ka Ebola.”
Cudurka Ebola ayaa fiditaankiisii ugu badnaa ka sameeyey bishii March ee sanadkan Dalka Ginie, isagoo markii dambe u tallaabay wadamada Liberiya & Siralyoon oo uu ku dilay dad gaadhaya 3300 ruux.

Leave a Reply