Maayarka Gabiley Oo Naqdiyay Hadallo Ka Soo Yeedhay Hoggaanka UCID

0
375

Gabiley (DAWAN)-Maayarka  magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, ayaa xisbiga UCID ku eedeeyay inay taageeradda dadweynaha ku doonayaan inay ku kasbadaan reernimo, hase yeeshee aanay la shir tagin wax barnaamij siyaasadeed ah oo dadka u cuntama.
Maayar Shucayb waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu dhaliilay sidii  ay u hadleen xubno ka mid ah Hoggaanka UCID oo booqasho ku tagay Gabiley, waxaanu yidhi “inta halkaas la soo istaago la yidhaahdo waxa aynu nahay reer ee maanta reernimo wax nagu siiya, waxa leenahay reer ma nihin’e qaran ayaanu nahay,  waana nasiib darro raga intaa le’eeg ee isku dayaya inay  qaranka  masuuliyadiisa qabtaan ee u tartamaya inta ay Gabiley yimaadaan ee leh reer baanu nahay ee reernimo wax nagu siiya. Cali Gurey oo  kale yidhaahdo reer hebel iyo reer heblaayo maanta sidan ha laga yeelo, waxaasi waxa dadku idiinka dhagaysanayo maaha,  laakiin waxa wanaagsan wakhtiga ololaha doorashooyinka  lagu dhawaaqo inaad ummada barnaamijkiina   soo hor-dhiga sidii Kulmiye barnaamijkiisa siyaasiga ah u keenay, una fuliyay.”
 
Maayarku waxa uu sheegay in aanay ka dhab ahayn masuuliyiintii UCID ujeedadii ay ku micneeyeen socdaalkoodii oo ay ku sheegeen inay u soo tacsiyadeynayeen qoyskii uu ka dhintay mid ka mid ah labadii sarkaal ee dhawaan lagu dilay degmadda Qori-lugud oo degan magaaladda Gabiley,
 
“ILAAHAY baan idinku dhaariyee, siday isku qabanaysaa adigoo tacsi yimid oo u socday tacsi oo xaafadii oo geeriyaysan  aad timaado intaad haddana Hudheel tagto halkaa xaflad kale ku qabato, markaa ujeedadu tacsi u socod may ahayn’e siyaasad kale ayay ahayd socdaalkii Murrashaxa madaxweynaha UCID iyo Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad,”ayuu yidhi Maayarka Gabiley.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply