Murugada Sidee Ayaad Isaga Dawayn?

0
406

Rasuulka Allah (scw) ayaa maalin Masaajidka ku arkay saxaabiga la odhan Abu-Umaama oo fadhiya waxaana uu ku yidhi : “ Waxaan arkaa adigoo Masaajidka fadhiya iyadoon wakhtiga salaadda ahayn. Saxaabigaasi ayaa ugu jawaabay “ Rasuul Allow dayn iyo hami ayaa i haysta”   Waxaan Rasuulku (scw) ku yidhi “ Ma ku baraa baryo haddii aad akhrido Allah (sw) kaa faydayo hamiga , dayntana kaa gudayo” Saxaabiga ayaa ku yidhi “ Haa Rasuul Allow (scw)”  Rasuulkuna (scw) wuxu ku yidhi waxaad akhridaa markaad waabriisato iyo markaad gabal dhacsato”
“ Allahayaw waxaan ka magan galay hamiga iyo murugada, waxaan ka magan galay caajisnimada, fulaynimada iyo bakhaylnimda , waxaan kaa magan galay in dayni iga xoog badato , Raguna iga guulaysto”  Saxaabigaasi (rc) ayaa yidhi sidaasi ayaan sameeyay Allah (sw) wuu iga qaaday hamigii iyo murugadii i haystay.
 

Leave a Reply