Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeeray Mashaariic Laga Fulinayo Dekadda Iyo Madaarka Berbera

0
395

Berbera(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed SiIlaanyo,ayaa shalay kormeer ku soo sameeyay mashaariic horumarineed oo laga fuliyay  dekeda Berbera iyo madaarka magaaladaasi.
 
Madaxeynaha Somaliland  mudadii uu ku gudo-jiray kormeerkaas iyo indha  indhaynta mashaariicda horumarineed ee ka socda Dekeda magaalada Berbera Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka siiyey Madaxweynaha  Maareeyaha Dekeda Berbaera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor).
Maareeye Cali Xoor Xoor, waxa uu  tilmaamay in hafka   ugu weyn ee ay ku hawlan yihiin xiligan xaqiijintiisa ay tahay in dalku uu yeesho deked la tartanta  marsooyinka  waaweyn ee Geeska Afrika iyo guud ahaan afrika oo dhan-ba.
 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhankiisa ku ammaanay mashaariicda horumarineed ee ay ka hir-galiyeen dekedda Berbera,waxaanu Madaxweynuhu ku dhiiri geliyay Maareeyaha Dekeda iyo hawl wadeenada kale ee hawsha la wadaba  jin ay halkaa ka sii wadaan, isagoo ugu duceeyay in illaahay u fududeeyo xilka xasaasiga ah ee ay dawladda u hayaan.
 
Waxaa kale oo uu Madaxwynaha Somaliland  kormeer u soo maray  mashaariic laga taabo-geliyay Madaarka caalamiga ah ee Berbera oo casriyayn iyo dayac-tir balaadhan lagu sameeyay.
Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo soo kormeeray dhismayaal balaadhan oo halkaasi ka socda oo noqon doona mashruucii ugu balaadhnaa ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera laga fuliyo.
Wasiirka duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa madaxweynaha u sheegay in himiladooda dhowi ay tahay inay casriyeeyaan madaarka Berbera si ay ugu soo hirtaan shirkado caalami oo diyaaradahoodu ay duulimaadyo ka bilaabaan madaarkaas.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply