Wax Ka BaroSharciga Kalluumaysiga Somaliland

0
423

Sharci Lambar 024 Ee Nov. 1995
Qodobka 11aad: Ganaax
Wixii xad gudub ah ee lagu sameeyo qodobka 7aad iyo 9aad ee sharcigan waxa lagu ganaaxayaa:
Doonyaha yar yare e aan matoorka lahayn waxa la ganaaxayaa (100 ilaa 150 $).
Doonyaha yar yar matoorkoodu u dhexeeyo 6 ilaa 30 faras waxa la ganaaxayaa (400 ilaa 800 $).
Doonyaha yar yar ee matoorkoodu u dhexeeyo 31 ilaa 100 waxa la ganaaxayaa (1000 ilaa 2000 $).
Doonyaha yar yar ee matoorkoodu u dhexeeyo 61-100 faras waxa la ganaaxayaa  (3.000 ilaa 5.000 $).
Markaakiibta matoorkoodu u dhexeeyaan 101-300 faras, waxa la ganaaxayaa (10.000 ilaa 50.000).
Maraakiibta matoorkoodu u dhexeeyaan 300 ilaa wixii ka sareeya, waxa la ganaaxayaa 50.000 ilaa 100.000 $).
Haddii fal-dembiyeedku culus yahay ama mar labaad dembiiluhu galo isla fal dembiyeed lagu soo caddeeyay arrintaas waxa loo gudbinayaa maxkamadda (criminal court).
Qofkii isticmaala arrimaha hoos ku xusan waxa la ganaaxayaa xadhig dhan 3 sanno ilaa 5 sanno ama lacag dhan (5.000 ilaa 50.000$).
Isticmaalka qarxiyeyaal ama sun.
Meelaha kalluumaysiga ka reebban oo laga kalluumaysto.
Kalluumaysi noocyada kalluunka  ama noolaha badda kale eek a reebban.
Addeegsiga qalab ama alaab la mamnuucay adeegsigeeda.
Gaadiidka kale ee lagu qabto isagoo si sharci-daro ah kalluumaysnaya.
Ciddii diida inay soo gudbiso warbinnada (reports), ama fullin wayda qodobada sharcigan waxa la ganaaxayaa (3000 ilaa 5000 $).
Ciddii ka soo bixi wayda xilka saaran ama fulin wayda heshiis laba dhinac wada galeen waxa dib loogala noqonayaa oo la baabiinayaa ruqsaddii kalluumaysi ee la siiyay.
cid kasta oo wasakhaysa biyaha Somaliland iyo goobaha kalluumaysiga waxa la ganaaxayaa (500 ilaa 50.000 $).
Qodobka 12aad: Dhaqan gelinta
Ciidanka badda Jamhuuriyada Somaliland ayaa yeelanaya awoodda iyo masuuliyadda dhaqan gelinta sharcigan.
Qodobka 13aad: La wareegid Hanti
cid kasta oo ku xad gudubta sharcigan waxa lagala wareegayaa, qalabka ama gaadiidka ama shay kale oo uu adeegsanayay, markii fal-dembiyeedka lagu qabtay.
Waxa lala wareegi karaa kalluunka ama noolaha kale ee badda ee markabka dushiisa saaran.
Fal-dembiyeedyada laga galo sharcigan, waxay hoos imanayaan awoodda maxkamadda dalka.
Qodobka 14aad: Xeer Nidaamiye (Reglation)
Marka uu madaxweynuhu dhegaysto talada wasiirka kalluumaysiga iyo horumarinta xeebaha waxa uu soo saari karaa xeer nidaamiyeyaal (Regulations), ku salaysan habka ugu haboon ee loo fullinayo sharcigan.
Qodobka 15aad: Tir-tirida iyo dhaqan galka
Arrimaha aan waafaqsanayn sharcigan waa la tirtiray.
Sharcigan wuxuu dhaqan galayaa 15 cisho ka dib marka madaxweynuhu saxeexo ama lagu soo saaro faafinta rasmiga ah ee dawladda Somaliland.
Dhamaad
 

Leave a Reply