Ciidamada Imaraadka Oo Dembiyada U Isticmaalaaya Muraayado U Ay Samaysay Shirkadda Google

0
359

Sarkaal u hadlay ciidamada dalkaasi Imaraadka ayaa sheegay inay ciidamada dalka Imaaraadku ay adeegsan doonaan muraayado ay samaysay shirkadda Google ,taas oo iminka la qorshaynaayo in loo soo iibiyo ciidamada,
Waxaanu sheegay sarkaalkaasi inay muraayadahani yihiin kuwo aqoonsanaaya wajiga qofka ,iyada oo la doonaayo in laga hortago dambiyada uu qofku geysanaayo ,sidoo kalena ay ciidamada dembi baadhista ay u fududayn doonto inay aqoonsadaan qofka dambiilaha ah.
Muraayadahan ayaa ah sida uu sarkaalkaasi sheegay kuwo leh kamarad duubaysa waxyaalo badan ,sidoo kalena sawiro qaadaysa,iyada oo awood u leh inay dirto sawiradaasi,iyada oo warbixinaha ku diraysa habka wireless-ka ah ee internet-ka,taasina ay toos ugu xidhayso meelaha ciidamada sirdoonka.
Waxa uu sheegay sarkaalkani inay inta badan ikhtiraaceen noocan muraayadaha ah ciidamada dalkaasi Imaaraadku,iyada oo loogu talo galay in dambiyada lagaga hortago,iyada oo la samaynaayo isku xidh muraayadahan iyo qaybaha isgaadhsiinta ee ciidamada ka dhaxayn doona,taas oo la gelinaayo muraayadahaasi magacyadda dadka mamnuuca ah.
Dalkaasi Imaraadka ayaa ah halka ay ganacsatada ugu badani isugu timaado,iyada oo ay madaaradda dalkaasi yihiin kuwa kala wareega diyaaradaha ugu badani uu ka dhaco,waxaanay muraayadahani ciidamadana ka caawin doonaan inay la tacaalan dambiyo badan,iyada oo muraayadahani yihiin kuwo iminka laga helo dalkaasi Maraykanka loona yaqaano Google Glass Smart,waxaanu qiimohoodu noqonayaa $1,500 oo dollar.

Leave a Reply