Dhallinyarada Galbeedka Burco Oo Ku Baaqay In Wax Laga Qabto Koox Shir Beeleedyo u Abaabulaya Dhalinyarrada

0
541

Hargeysa (DAWAN) Afhayeenka Dhallinyarada beel-weynta Galbeedka Burco, Cabdiqani Axmed Cabdiraxmaan, ayaa waxba kama jiraan been ah ku tilmaamay shakhsiyaad uu sheegay in ay yihiin faro ku tiris shar-wadayaal ah oo danno gaar ah leh, kuwaas oo si khaldan u adeegsanaya magaca iyo milgaha dhallinyarada Somaliland, kuwaas oo sheegay in deegaanka Cadaadley ay shir ugu qabanayaan dhallinyarada Somaliland,
 
Cabdiqani Axmed Cabdiraxmaan,   waxa uu sidaasi  ku sheegay waraysi uu siiyay  Hadhwanaagnews, isaga oo jooga magaalada Hargeysa.
Cabdiqani, waxa uu sheegay in ninka sheegtay in uu yahay Guddoomiyaha dhallinyarada Daallo, uu yahay xil maqaar saar ah, isaga oo xusay in aanu matalin magaca iyo masuuliyada dhallinyarada uu sheegatay in uu Guddoomiyaha u yahay, waxaanu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay gacab bir ah ku qabato oo ay sharciga la tiigsato shakhsiyaadkan fidmada kula dhex wareegaya dhallinyarada Somaliland iyo guud ahaan dadka iyo dalka Somaliland-ba, waxaanu yidhi  “Aniga oo ah  afhayeenka dhallinyarada beesha  Galbeedka Burco (Habar-yoonis), waxa aan halkan ka cadaynayaa in aanay waxba ka jirin shakhsiyaad faro-ku-tiris ah oo dano gaar ah leh oo sharwadayaal ah oo si khaldan ugu maxaabsada magaca dhallinyarada Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay dhallinyarada Somaliland shir-weyne ugu qabanayaan deegaanka Cadaadlay, sidaa daraadeed, waxaan shacbi-weynaha Somaliland, Dhallinyarada, iyo xukuumaddaba aan halkan uga sheegayaa in laga digtoonaado fidnada ay shakhsiyaadkani la dhex wareegayaan dadka iyo dalka, waa shakhsiyaad si khaldan u adeegsanaya magaca dhallinyarada ee ay dadka ku marin habaabinayaan, Run ahaantii,waa in si weyn looga feejignaado isku dayadan aadka u liita ee aan lugaha adag ku taagnayn ee lagu wiiqayo midnimada iyo isku duubnida horumarka dhallinyarada Somaliland, mana jirto cid ay matalaan.”
 
Afhayeenka  oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay  “Waxaan dadweynaha iyo xukuumadaba aan halkan uga cadaynayaa in ninka sheegta in uu yahay Guddoomiyaha dhallinyarada Daallo, aanu ahayn nin matala magaca iyo masuuliyada uu sheegto, waxaan halkan ku bayaaminayaa in laga digtoonaado arrimaha noocan ah ee dadka iyo dhallinyarada lagu majaro habaabinayo, sidaa daradeed, waxaan taageersan nahay horumarka iyo midnimadda iyo wax wada wabsiga dhallinyarada Somaliland, waxaanan soo jeedinayaa in meel looga soo wada jeesto shacab iyo xukuumad-ba wax kasta oo malo awaal ah oo lagu wiiqayo nabadgelyada iyo midnimada dhallinyarada Somaliland.”
Cabdiqani, waxa uu sheegay in shakhsiyaadkan sida qaladka ah u adeegsanaya magaca dhallinyarada Somaliland ay yihiin qaar ku adeegta qabyaalad iyaga ahaa kuwii hore u sheegatay in yihiin dhalinyarada beelaha Habar magaado, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in ay si dhakhso ah wax uga qabato kooxdan xaalad abuurka ka wada goboladda dalka.

Leave a Reply