Hab Cusub Oo Looga Ilaalin Karo Koombiitarka Wabsaytyadda Fayraska Leh Oo Lasoo Saaray.

0
455

Shirkaddaha Google Chrome ,Safari iyo FireFox ayaa soo saaray dhowaan hab cusub oo laysaga ilaalin karo wabsaydyadda lagu soo xawilo fayraska ,habkan oo ay ugu talo galeen inay dadku kombiyuutaradooda kaga difaacaan fayraskan ayaa ah kuwo ay kusoo kordhiyeen programms-kooda ,iyada oo lagu soo daray badhado  cusub oo tilmaamayaa marka uu wabsaydkaasi soo daayo waxyaalahaasi.
Badhadahan cusub ayaa ah kuwo ay ku magcaabeen Traffic Light ,kuwaas oo ah kuwo u gaara ka hortaga fayraskaasi wabsaydyadda lagu soo diro,waxaanay soo saarayaan calaamado casaan ah oo digniin ah marka uu qofku isku dayo inuu soo dejisto ama soo dhownloodh gareeyo Programms-ka leh fayraskan.
Waxaanu casaan kusoo saarayaa hadii fayraskaasi yahay nooca loo yaqaano Malignant ,laakin haddii uu yahay Valaicona ,waxa uu ahaanayaa mid cagaar ah,iyada oo uu markiiba kusoo siinaayo warbixino uu kugu digaayo,waxaanu kusoo saarayaa qoraalo uu ku tilmaamaayo noocyada fayraska ah ee ku jira wabsaydkan.

Leave a Reply