Isticmaalka Khudarada Macaan Oo Laga Digay

0
449

Dhakhaatiir ka tirsan dalka Ingriiska ayaa ka digay in caruurta si joogto ah oo ka badbadis ah loo siiyo khudrada macaan, taasi oo waxyeelo u geysta ilkaha caruurta yaryar.  Wargeyska Times ee dalka Ingriiska ayaa qoray in hay’ad ku shaqo leh caafimaadka ilkuhu  ee dalka Ingriisku ay cadeeyeen in ku xadgudbka cunista sharaabka laga miiray tufaax iyo dhamaan khudrada debiiciga ahi ay caruurta ku yihiin bam ku qarxaya wakhtiga mustaqbalka. kaasi oo waxyeelo weyn oo ilkahana suus ku keena. Waaxana tani ay ka soo horjeeda sida ay hore u rumaysnayaeen waalidiintu ee ahayd inay waxtar u leeyihiin caruurta. Madaxa fulinta ee hay’adda ilaalinta caafimaadka Ilkaha ayaa dawladda ugu baaqay inay arintan si weyn dadka ugu dhiirgeliso in aan caruurta six ad dhaaf ah loo siin khudaarta macaan.

Leave a Reply