“Cadaadley Laguma Qaban Karo Shir aan Fasax ka haysan Wasaaradda Daakhiliga ” Suldaan Xuseen Xaaji Geelle

0
409

Hargaysa (Dawan): Qaar  ka mid ah salaadiinta gobolka Maroodi Jeex ee ka soo jeeda degmada Cadaadley oo ka tirsan gobolka Maroodi Jeex oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa  ayaa ka soo hor jeedsaday shir la sheegay in xubno dhalinyarro ahi magaaladdaasi ku qabanayaan.
Waxaanay salaadiintani sheegeen in aan degmadda Cadaadlay lagu qaban  karin shir aan madax dhaqameedka Degmadda Cadaadlay iyo wasaaradda arrimaha guduhu ogayn, waxaanay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqeen in ay wax ka qabato shirkaasi.
 
Suldaan Xuseen Xaaji Geele iyo Suldaan Maxamuud C/laahi Xuseen oo labadooduba ka soo jeeda Degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi Jeex ayaa waxay si wada jir ah u sheegeen in ay ka soo hor jeedaan qabashadda shirkaasi, isla markaana   aan degmadda Cadaadlay lagu qaban Karin shir aan madx dhaqameedka Degmadda Cadaadlay iyo wasaarada arrimaha guduhu ogayn lagu qaban Karin degmadaasi.
Suldaan Xuseen X. Geele oo   shirkaasi  jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi,  “Waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay maanta  in aanu umada u iftiimino hadalo baryahanba suuqa ku jiray oo ah in degmada Cadaadlay lagu qaban doono shir dhalinyarada Somaliland in lagu qaban doono degmada Cadaadlay way fiicnaan lahayd in dhalinyarada Somaliland ku shirto  degmada Cadaadlay waana meel ku haboon inay ku shiraan oo waa degmo inta badan gobolada Somaliland u waaweyn u dhaw oo badha magaalooyinka Somaliland u waaweyn ee Hargeysa, Burco, Berbera, waxaase ay Cadaadley ku caan tahay  in lagu qabto shirarka nabadaynta ee Somaliland lagu dhisaayo iyo shirarka waafaqsan shuruucda dalka ee madax dhaqameedka deegaanka iyo wasaarada arrimaha gudaha fasax siiyaan oo xisbiyada qaranka iyo xukuumaduba ogal yihiin.”
 
“Haddii aanu nahay salaadiinta deegaanka Cadaadlay raali kama nihin shirar ku calaamadsan siyaasiyiinta la baxay magaca Madasha.Haddii aanu nahay odayaasha Cadaadlay waxaanu dhalinyarada u sheegaynaa in degmada Cadaadlay ay leedahay taariikh lagu yaqaano  oo ah in ay hormood ka tahay dib u xoreyntii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland, Madashaa aad imika ka wadataan dhalinyarooyo adeereyaal imika iska soo xidhantay ee inaga daayo oo fikirkooda ha sii wad-wadina mana dhacayso shir aan danaha umada reer Somaliland ku saabsanayn in lagu qabto Cadaadlay” ayuu yidhi suldaan Xuseen X. Geelle.
 
Sidoo kale Suldaan Maxamuud C/laahi  Xuseen oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sharaax ka bixiyay sababta ay qabashadda shirkaasi uga soo hor jeedaan. Waxaanu yidhi “Ma jirto shir lagu qabanaayo degmada Cadaadlay oo aanu ognahay inamada waxaa wada ee warbaahinta ka sheegaya waxaan leeyahay adeereyaal Somaliland maanta uma baahna shirar aan horumar keenayn ee axsaabta iyo danihiina kale wakhtiga galiya oo maanta waxaa inoo dhisan dawlada horumar keentay ee dhinacina ka raaca.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply