Xikmadaha Kitaabka Ha Murugoon (La Taxsan)

0
2040
  • Ufiirso kuwa kaa hooseeya xaga jidhka, suurada, maalka, guriga, shaqada iyo Nasabka, si’aad u ogaatid inaad kumanyaal qof ka sarayso.
  • Noqo kan bilaaba wanaaga, dadkana u tudha, damiyana cadaawada
  • Haka xumaan hadalka xun iyo wixii lagaa sheego adiga waxba kuma yeelayaan, kan yidhi ayuu dhib ku hayaa.
  • Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada.
  • Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan
  • Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.

Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho.

Leave a Reply