Dalka Spain Oo La Saadaalinaayo In Uu Kor U Kaco Dhaqaalahiisu Sanadkan 2014 Ilaa 2015

0
422

Dadka ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ayaa saadaaliyay in dalka Spain uu  kor u kacayo dhaqaalihiisu inta lagu gudo jiro sannadkan sii dhamaanaya ee 2014 iyo saannadka soo socda ee 2015.
Tan ayaa loo sababaynayaa talaabooyin ay qaaday Wasaarada Dhaqaalaha u qaabilsan dalkaasi kaas oo uu Wasiirka dhaqaalaha dalka Spain Luis de Guindos uu sheegay inaay hadda saadaashu sheegayso in uu kor u kacay 1.3 boqolkiiba sanadkan, kaas oo uu sannadkii hore ahaa 1.2 boqolkiiba.
Dawlada ayaa xooga saaraysa sidii sannadka danbe uu u noqon lahaa korodhku in ku dhaw 2.0 boqolkiiba iyadoo saadaashu sheegayso inuu noqon karo 1.8 boqolkiiba.
Dowladda Spain ayaa sheegtay inay filayso inay hoos u dhaci doonto shaqo la’aanta iyado kor u qaadi doonta ilaa 24.5 boqolkiiba shaqaalaha hadda  sannadka 2015.

Leave a Reply