“Dhakhaatiirta Ganacsigu Marka Aan Waxba Laga Qaban Karin, Lacagtiina Laga Dhameeyay”

0
621

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr . Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa  jawaab adag ka bixiyay warar uu sheegay inuu been abuur ahaa  oo laga qoray Cisbitaalka guud ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu tilmaamy in aanay waxba ka jirin isla markaana ay qoreen dad dano gaar ah leh oo dacaayad  u samaynaya Cisbitaalka guud ee Hargeys.
Wasiir Xaglatoosiye waxa uu  intaas  ku daray in ay bukaanka goobaha dhakhaatiirta ganacsigu ay bukaanka dibadda u soo tuuraan oo ay dhakhtarka u soo gudbiyaan marka ay arkaan laba arrimood oo kala ah in aan waxba laga qaban karayn  xaaladda bukaanka lacagtiina ay ka dhamaysteen iyo in ay gobahooda ganacsi kala cararayaan dhimashada.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Hawlaha uu Cisbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa u hayo bulshadda Somaliland oo uu sheegay in  xilligan ay  marayaso meel wanaagsan isla markaana uu bulshadda ka furtay adeegyo caafimaad oo dibada loo doonan jiray baahidaasna  uu daboolay Cisbitaalka Hargeysa. Wasiir Xagla toosiye, waxa uu intaa ku daray in Cisbitaalka  guud ee Hargeysa ay la doonayaan in uu noqdo mid daboola baahiyaha caafimaad ee guud ahaan dalka iyo waliba waddamada Jaarka oo uu hormuud u noqdo cisbitaaladda dalalka geeska oo dhan.
Wasiirka oo daba socday warka uu beeninayay  waxa uu yidhi  “Annagu cid gaar u  tilmaami mayno laakiin,cid kasta oo warkaas ka dambeysay aad baanu u Cambaaraynaynaa.Wargeyska warkaas  baahiyayna Maxakamad baanu la tiigsanaynaa, waana inuu  caddeeyaa  warkan uu sheegay.”
Wasiir Xaglotoosiye waxa uu sheegay in Cisbitaalku sameeyay horumar balaadhan  oo ah adeegyada caafimaad ee uu bulsahda u hayo “Cisbitaalku, horumar aad iyo aad u wanaagsan oo runtii la taaban karo oo Mushtamacu ogyahay ayuu ku tallaabsaday.Adeegyo badan oo Caafimaad oo aan hore loo dabooli jirin ayuu daboolay.Caafimaad dibada loo tegi jiray ayaa halkan laga helaya hadda, waxa jooga dhakhaatiir aqoon u leh hawsha ay qabanayaan, Dawo tayo leh baa la keenaa oo Waa Cisbitaal Qaran ee maaha Cisbitaal Hargeysa oo kaliya ay ku kooban yihiin adeegyadiisu ,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu  sheegay tirada guud ee dadka  sannadkii hore Cisbitaalka guud qaliin lagaga sameeyay iyo inta ruux ee geeriyootay oo uu sheegay in ay ahaayeen bukaanka geeriyooday dad in badan lagu hayay xarumaha caafimaadka ee  gaarka loo leeyahay isla markaana xilli ay ku jireen xaalad aan waxba laga qaban karayn la keenay Cisbitaalka guud .
“Kun iyo sagaal boqol oo qof ayaa sanadkii hore la qalay, waxa dhintay saddex qof.waad dareemi kartaa 1900 oo qof oo 3 dhimatay, Kun iyo sideed boqol bay hadda maraysaa 3 Qof baa dhintay,markaa waa Dacaayad ku-tidhi ku-teen ah waxaan wargeyska FOORE ee  qoray.bulshadda  waxaan uga digayaa inay iska hubsadaan waxyaabaha la qoro.Joornaaladana waxaan leeyahay ilaaliya Anshaxa Saxaafadda,” ayuu yidhi Wasiirku.
 
Wasiirku waxa uu dhanka kale u soo jeediyay mulkiilayaasha goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay in ay iska ilaaliyaan in ay bukaanka in badan ku hayaan goobahooda oo marka ay xaaladiisu noqoto mid aan waxba  laga qaban karayn in ay bannaanka u soo tuuraan, taas oo uu tilmaamay inay  tahay dambi iyo naxariis darro aan ka mid ahayn dhaqanka dhakhaatiirta.
“Waxaan ka codsanayaa Rugaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay(Private Clinic), annagu diyaar baanu u nahay inaanu wada shaqayno oo aanu dadka u wada adeegno, Cisbitaalkani waa kii qaranka, waxaanu jecellahay inuu Bukaanka aad u soo gudbinaysaan noqdo mid ku jira heerkii wax laga qaban karayay ee aanu Cisbitaalku idiin noqon mid aad ku soo tuurtaan dadka aad u taag waydaan,” ayuu yidhi Wasiir Xaglo Toosiye, waxaanu intaas ku kabay “Xataa inta dhimatay waxaa Maamulka Cisbitaalku ii sheegay inay yihiin dad in badan lagu hayay Rugaha Caafimaadka ee gaarka ah oo Lacagtii laga dhamaystay,waxna laga qaban kari waayay ka dib Cisbitaalkii loo keenayo.Dhakhaatiirta Ganacsigu waxay Qofkaas u soo tuurayaan laba sababood, mid waxa weeye inuu arkay inaanu waxba ka qaban karaym, ta kalena waxa weeye inuu Xaruntiisa dhimashada ka yareeyo oo aan lagu dhiman. Waxaan codsanayaa in dadka aad soo gudbinaysaan ama dibada u diraysaan yahay mid ku jira heerkii wax laga qaban karayay laakiin haddii kale halkiisa ku haya meelna ha u dirina.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply