Qiimahaha Sarifka Doolarka Oo Sare U Kacay Iyo Saamaynta Laga Cabsi Qabo Inuu Ku Yeesho Nolosha Dadka Danyarta Ah

0
430

Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa sare u kacay bishii ugu danbaysay miyadoo hore looga bartay in marka la gaadho bishan oo ahayd bishii ay xoolaha ugu badan inooga dhoofaan dalka Sucuudiga ee Xajka, waxaana si dhab ah looga warhayn sababta dhabta ah ee keentay kor u kaciisa.
Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa gaadhay boqolkii Dollar gacanta hore lagu Iibinayey toddoba boqol iyo sided iyo toban kun, halka gacanta danbe ahayd qiimihii lagu helo, taasoo meelaha qaarkood uu kor u dhaafay toddoba boqol iyo dhawr iyo labaatan kun oo shilling Somaliland.
Dadka ka ganacsada Sarrifka Lacagaha ayaa la sheegayaa inay hayaan ama kaydsadaan lacago ka badan kuwa Baanku suuqa soo galiyo ama taalaba, waxaanay markasta ku talogalaan inay iyagu kaga awood roonaadaan jarida qiimaha Sarifka lacagaha qalaad.
Si kasta ha ahaatee sicir bararka sarrifka lacagaha qalaad ayaa meel adag maraya, waxaanu u baahan yahay wax ka qabasho deg deg ah.
Kor  u kacan ku yimid sarifka qiimaha doolarka ayaa laga cabsi qabaa inuu saamayn ku yeesho qiimaha maciishada kaas oo markay dhacdo sidan oo kale la fisho inuu hawada isku shareero qiimaha maciishada taas oo ay dadka qaar kuu sheegayaan in haddaba la dareemayo inuu is badel ku yimid qiimaaha maciishada qaarkood.
Hooyo Canab oo ka mid ah kumanaanka hooyo ee subaxii usoo jarmaada suuqyada si ay qoyskooda ugu helaan quutal daruuriga ayaa ka warantay kor u kaca sarifka doolarku uu ku yeelan doono qiimaha maciishada ee aan saldhiga lahayn waxayna tilmaamaysaa sida ay arintani isla markiiba u bedesho maciishada, waxayna tidhi: “ tani waa dhibaato haysata dadka danyarta ah ee ay dadkeenu u badan yihiin, ganacsataduna ma danaynayaan oo  iyaga oo marba sabab u samaynaya ayay kordhiyaan qiimaha maciishada oo markii horaba aad ugu adkayd dad badan inay iibsadaan”.
Mar aanu waydiinay Hooyo Canab in uu sababi karo qiimaha doolarka ee kordhay in uu kordho qiimaha maciishada ayaa tidhi: “ tani waa mar marsiyo hooyo ay samaystaan ragan u heshiiyay maatidan danyar ah , maxaa loo arkaa iyagoo ka cabanaaya marka uu doolarku kordho oo loo arki waayay iyagoo leh maantuu jabay qiimihiisii oo aanu maciishadiina aanu jabinaynaa ma jirto hooyo oo waa wax ay isla ogyihiin, waana loo heshiiyay maatidan tanina waa mar marsiyaha ay hadda kor ugu qaadayaan qiimaha maciishada”.
Dadka dhawraaya talaabada uu qaadi doono Baanka Dhexe oo xiliyadan oo kale talaabooyin hoos loogu dhigaayo qiimahan sare u kacay qaada iyo saamaynta uu ku yeelan doono kor u kac ku yimaada qiimaha maciishada.
 
 

Leave a Reply