Xasaasiyadda Beedka (eggallergi)

0
639

Waa maxay xasaasiyadda beedku (ukuntu)
Xasaasiyadda cuntadu waxa ay ka timaaddaa oo sabab u ah jidhka oo diida qaybo ka mid ah borotinka cuntada. Xasaasiyadda beedku waxa ay ka mid tahay xasaasiyadda cuntooyinka la yaqaano ee sida caadiga ah ku dhacda carruurta. Carruurta qaar ayaa beedka ka qaada xasaasiyad aad u xoog badan xataa haddii ay taabtaan wax yar oo beed ah, halka kuwa kale ay dareemaan wax yar oo xasaasiyad ah oo markiiba ka taga. Xasaasiyadda cuntada oo ay ugu muhiimsan tahay xasaasiyadda beedka waxa ay ku badan tahay oo ay inta badan ku dhacdaa carruurta yaryar. Carruurta badan kooda waxa ay ka tagtaa xasaasiyadda beedku iyaga oo yaryar, laakiin qaar ka mid ah ayaa ku weynaada iyaga oo weli qaba xasaasiyadda beedka. Carruur badan oo qaba xasaasiyadda cuntooyinka ayay kaga kacdaa cuntooyin kala duwan, laakiin xasaasiyadda beedku waxa ay dadka ugu kacdaa si madax bannaan. Haddii qofku uu iska daayo cunitaanka cunto muhiim u aha nafaqada jidhka, waxa lagama maarmaan ah in uu ku magdhabo oo ku bedesho mid kale oo u dhiganta si uu u helo nafaqo caafimaad oo isu dheelli tiran.
Maxay ku samaysaa cunidda beedku qofka xasaasiyadda ku leh beedka?
Raadka ay ku reebto cunidda beedku qofka xasaasiyadda ku leh beedka way kala duwan tahay waxana ay ku xidhan tahay qofka. Tusaale ahaan waxyaalaha ka dhalan kara waxa ka mid ah shuban, calool xanuun, gubasho oogada qofka, canbaarta oo ku xumaata maqaarka qofka, neefta oo qofka ku adkaata/ xiiq iyo shoog xasaasiyadeed.
Waa maxay waxa jidhku diidayo ee ku jira beedku?
Waa borotinka ku jira beedka waxa jidhku diidayaa. Borotinkani waxa uu ku jiraa qaybta huruudda ah iyo qaybta cad labadaba. Dadka xasaasiyadda qaba qaar ka mid ah ayaa diida oo ay kaga kacdaa naqaska ka soo baxa marka beedka la karinayo ama la shiilayo. Marmarka qaar waxa ku filan oo dadka qaar ku kiciya xasaasiyadda urta ”vafler” la samaynayo (beedka ku jira awgii).
Sidee loo daaweeyaa xasaasiyaddan?
Xasaasiyadda cuntada waxa lagu daaweeyaa in la iska dhaafo oo aan loo dhowaan cunta ay kaaga kacayso xasaasiyaddu.
Xagee beedku ku jiraa?
Beedku waxa uu ku jiraa cuntooyin badan. Beedka cuntada ku jiraa waxa uu noqon karaa qaybtiisa cad, qaybta huruudda ah, beed budo laga dhigay, majones iyo ”ovalbumin”.
Cuntooyinka inta badan uu beedku ku jiro waa keegaga, buskudka, ”dressing”ka, majones ka xawaashaysan, majones, salladhka majones ka, ”sennep”, baastada, makaroonada, ”vafler”ta, baankeega, shukulaadada, ”kokosboller”, ”konfekt”, noocyo gaar ah oo baastada ka mid ah, cuntooyinka inta beedka la dhexgeliyo la shiilo. Arrintani waxa ay lagama maarmaan ka dhigaysaa in qofku si fiican isaga akhriyo nuxurka iyo waxyaalaha ay ka kooban tahay cuntadu inta aanu isticmaalin. Sida ku qeexan xeerka calaamadinta cuntooyinka, waa in cunto walba oo uu beed ku jiro lagu calaamadiyaa galka cuntada.
Tallaalada qaar sida tallaalka MMR ayaa waxa lagu beeraa unugyada bilowga abuuranka digaaga, laakiin tallaalku inta badan xasaasiyad kuma kiciyo dadka xasaasiyadda ku leh beedka. Tallaalada kale ee uu ka mid yahay tallaalka hargabka ayaa laga yaabaa in uu ku jiro beed, sidaa darteed waxa habboon in aan la siin dadka xasaasiyadda ku leh beedka ilaa la hubsado in ay iska xejinayaan.
Dadka aqoonta u leh arrimahani waxa ay leeyihiin carruurta xasaasiyadda ku leh beedka, si caadi ah ayaa loogu tallaali karaa xarunta caafimaadka hooyada iyo ilmaha (helsestasjonen), laakiin waa in uu dhakhtar joogaa marka la tallaalayo.
Muxuu cuni karaa qofka xasaasiyadda ku leh beedku?
Beedku waa cunto nafaqo leh, laakiin waxa jira waxyaalo lagu bedelan karo oo la nafaqo ah. Xasaasiyadda beedku waxa ay raadaynaysaa nolol maalmeedka qofka, waayo waxa ay xadaynaysaa doorashadiisii ku jihaysnayd keegaga buskudka, cuntooyinka bisil ee diyaarka ah iwm. Beedka waxa ku jira waxyaalo u muhiim ah dubitaanka. Waxa uu ku fiican yahay isdhexgelinta cuntooyinka, waxana uu ka qayb qaataa fixitaanka cuntooyinka la dubo.
Waxa jira cuntooyin bedeli kara beedka, ”No Egg” iyo ”Egg Replacer”. Cuntooyinkani waxa ay beedka kala siman yihiin oo ay leeyihiin awoodihii is dhexgelinta iyo sahlidda fixitaanka cuntooyinka la dubo, laakiin ma laha nuxurka nafaqo ee beedka oo kale. Cuntooyinka bedelka beedka waa in biyo lagu daraa oo la garaacaa inta aan la isticmaalin. Marar badan ayay haddii cuntada la dubayo lagu kordhiyo budada fixinta (bakepulver) ama ”natron”, ay noqon kartaa wax fiican oo lagaga maarmi karo beedka, qiimihiisuna raqiis yahay. Hal qaaddada cuntada oo ah budada fixitaanka ayaa bedeli karta hal xabbo oo beed ah.
Noocyada kala duwan ee buskudka ayaa noqon kara wax fiican oo lagu bedesho keegaga. Tusaale ahaan buskudada ”Kornmo, Marie, Mummi, Tom iyo Jerry iyo Ritz” waa buskudyo aanay ku jirin caano iyo beed midna. Waxa jira keegag iyaga oo diyaar ah la iibsado oo aanu ku jirin beed.
Midhaha isteroberiga iyo furutada kale ayaa noqon kara wax fiican oo lagu bedesho macaanka cuntada ka dib. Inta ugu badan ee sooska shukulaatada iyo ”gele” kuma jiro beed. ”Softis” iyo ”sorbet” ayaa iyaguna ah macmacaan fudud, laakiin waxa aad ka digtoonaataa in ”sorbet” uu ku jiri karo beed.
Yay ku dhacdaa xasaasiyadda beedku?
Xasaasiyadda cuntada ee ka kacda beedku waxa ay badanaa ku dhacdaa carruurta yaryar  laga bilaabo 2 bilood, waxana ay badanaa ka tagtaa marka ay yihiin da’da 4- 5 jir. Laakiin carruurta qaar ayay sii haysaa ilaa da’da 6-7 jir ay gaadhayaan. Waa dhif in xasaasiyadda beedku ay ku dhacdo carruurta waaweyn ama dadka waaweyn.
Calaamadinta cuntooyinka:
Cuntooyinka qaar ayaa lagu dhigaa calaamaddan: ”waxa dhici karta in uu taabtay raad beed”. Arrintan macnaheedu waa cuntadan beed laguma darin, laakiin waxa dhici karta in intii wax soo saarkeedu socday ay taabatay hadhaa beed. Inta ugu badan dadka xasaasiyadda ku leh beedku way xamili karaan cunto uu taabtay raad beed oo ay ku taallo calaamadda ah ”waxa dhici karta in uu taabtay raad beed”. Laakiin qofku waa in uu isaga oo la tashanaya dhakhtarkiisa baadhaa oo ogaadaa in xasaasiyaddiisu ay tahay mid halis ah oo ay markaa tahay in uu ka fogaado xataa cuntooyinka uu taabtay raadka beedku.

Leave a Reply