Askari u socday Soomaaliya oo lagu Arkay Cudurka Ebola

0
390

Askari reer Sierra Leone ah oo ka mid ahaa guuto u diyaar garoobaysay Soomaaliya ayaa lagu arkay cudurka Ebola.
Sierra Leone ayaa qeyb ka ah ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Dowladda Sierra Leone ayaa sheegtay in la karantiimanayo dhamaan guutadaasi heeganka u ahayd Soomaaliya dhacdadaasi kaddib.
Waa markii ugu horreysey oo cudurka Ebola ee ka dilaacay Sierra Leone uu saamayn ku yeeshay ciidammada nabadilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dhinaca kale, Qof u shaqaynayay Qaramada Midoobay oo qaaday cudurka Ebola ayaa ku geeriyooday Germanka sida ay wararku shegayaan.
Qofkaas ayaa lagu daweeynayay Isbitaalka Leipzig waxa uu na geeriyooday saacadihii hore ee Salaasada.
Cudurkaasi dilaacay ayaa dilay in kabadan 4,000 oo qof dadkaas oo badankoodu ay ku dhinteen Liberia, Sierra Leone, Guinea iyo Nigeria tan iyo bishii saddexaad ee sanadkan.
Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa xanuunkan ku tilmaantay ‘halistii ugu xumayd caafimad ee la arko taariikhda cusub ee aadanaha’. Maraykanka iyo UK ayaa ka mid ah wadammada bilaabay in ay dadka kaga baadhaan caabuqa Ebola garoomadooda diyaaradaha.
 

Leave a Reply