Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Macno Badan Xambaarsanayd Ka Jeediyay Shirkii Maalgashiga Iyo Ganacsiga Somaliland

0
411

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyey shir maal-gashiga iyo ganacsiga Somaliland xalay lagu soo gabo-gabeeyay  magaalada London oo dawladda Ingiriisku soo qaban qaabisay, ayaa maalgashadayaasha iyo bulshadda caalamka ugu baaqay in ay ku dhiiradaan maal-gelinta qeybaha kala duwan ee Somaliland.
Shirkan waxa ka soo qeyb galay Wasiirka afrika u qaabilsan Ingiriiska, saraakiil ka tirsan wasaaradda khaarajiga dalkaasi, Ganacsato reer Somaliland ah, shirkado ganacsi oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashadaan Somaliland, Wasiirro ka socday xukuumadda Somaliland kala ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda, Madaxtooyadda, Ganacsiga, Qorshaynta iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne  Siilaanyo waxa ugu baaqay bulshada caalamka in ay Somaliland ka caawiyaan sidii ay uga mid noqon lahayd waddamada Geeska Afrika ka jira, horumar ballaadhana ugu tallaabsan lahayd.
“Somaliland caan kuma aha  oo kaliya  in ay is badbaadiso, balse waxay ka shaqaysaa ilaalinta ammaanka degaannadeeda, sababtoo ah waxay leedahay nidaam ay kaga wada hadasho hoos Illaa kor sida qaranka loo dhisaayo, taasoo kor u qaada rajooyinka bulshada caalamku ka qabto Somaliland,”ayuu Madaxweynaha Somaliland ku yidhi Khudbadiisa oo ku baxday Luuqadda Ingiriisida,waxaanu  intaas ku kabay “Waxaan rumaysan nahay in Somaliland tusaale u noqon doonto waddamada kale ee Geeska Afrika  waxa uu horumarka casriga ah ee guulaystay yahay, iyadoo ay qayb ka qataan taageerada ay na siiyaan bulshada caalamka iyo maalgashadayaasha ajanabiga ah. Anigoo Qaranka Somaliland u hadlaya waxaan idinku dhiirigelinayaa qof kasta oo idinka mid ah inaad taageerro muhiim ah ka siisaan Somaliland  safarkeeda ku aadan in ay noqoto Qaran Geeska Afrika ka mid ah.”
“Madashan maantu (shalay) waxay tusaysaa maal-gashadayaasha caalamiga ah in Somaliland yahay waddan ganacsiga u furan, waxaanay leedahay meelo badan oo la maalgashan karo, barwaaqada iyo horumarka ka jira Somaliland waa waxa maanta halkan isugu keen keenay,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo, waxaanu intaas ku daray “Waxaan halkan maanta u taagan nahay in aan idinku dhiirigeliyo haddii ay yihiin maalgashadayaasha dawliga iyo kuwa gaarka ahba in aad ku abaal-marisaan, kuna kobcisaan dadka jiritaankooda iyo qiimahooda nabadda iyo wada jirka ku dhisay, siyaasadooduna tahay mid shacabka ka go’da, waana in aad booqataan Somaliland si aad u aragtaan maal-gashiga ka socda ee bulshadu samaysay.”
Madaxweynuhu wuxuu marti sharaftii  kala duwan ee shirkaas ka qayb-gashay faah-faahin ka siiyey horumarka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Somaliland, waxaannu yidhi;“Martida sharafta leh ee kala duwan waxaan jecelahay in aan wax idiinka sheego qaran ku yaala Geeska Afrika oo dhul ahaan leeg England iyo Wales oo la isku daray oo aan bulshada caalamka ku jirin, kaasoo ku yaala gobol rabshado hadheeyeen, balse waxa uu leeyahay arrimo cajiib ah oo  in yar oo idinka mid ah aanay garanayn, tusaale ahaan waxa uu ku caano maalay nabad iyo xasiloonida oo mudd ka badan 23 sannadood ka jirtay. Waxaanad arkaysaa lacag badan oo suuqyada mashquulka ah dhex taalla caasimada oo aan dadka lahaa cabsi ka qabin in la dhaco. Doorashooy  ku dhisan nidaam guul iyo  dimuqraadi ah oo barlamaan iyo madaxweyne ayaa laga qabtay.
Dalkan sidoo kale waxa ka buuxa khayraad dabiici ah oo xagga buuraha sibidhka ah, waxa kale oo ku yaala mid ka mid ah dekedaha ugu ballaadhan ee isku xidha Gacanka Cadmeed ilaa bariga fog iyo galbeedka Eeshiya, waxa sidoo kale ku yaala dariiqa diyaaradaha ee ugu ballaadhan waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya.”
“Dhaqaalaha dalkan ee kobcaya waa wax aan la sadaalin karin, waxaanad maqli doontaan horumarinta dhinaca tamarta, la soo bixista iyo ka faa’iidaysiga dib u cusboonaysiinta khayraadka tamarta, waxa kale oo aad maqli doontaan kor u kaca waaxaha dhaqaalaha iyo ikhtiraacyadooda oo ay ka faa’iideen dad badan oo ay ku jiraan dadka meelaha baadiyaha ku nool, kuwaasoo awood  u yeeshay in ay helaan bangiyada wareega, korna u qaaday dhaqaalaha iyo nidaamka bangiyada dalka. Waxa kale oo aad wax ka ogaateen sida dalkan hodanka ugu yahay beeraha iyo fursadaha ganacsi ee dhoofinta xoolaha nool,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Md.  Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha xukuumaddiisu qabatay iyo qorshayaasha siyaasiyan iyo ganacsi ahaan uga meel yaalla horumarinta dalka. “Waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan noqdo Madaxweynaha qarankan Somaliland. Dalkayga Somaliland waxa uu sameeyey horumar cajiib ah, waxaannu muddo 20 sannadood ah ku guda jiray dhisida qaranimada, nabad dhisida, taasoo ay gacanta ku haysay intaba xukuumaddo dastuuriya oo ah shacabkeedu doorteen.
Xukuumaddayda oo doorashooyin xor ah kula wareegtay xukunka sannadkii 2010kii, waxay inta ay xilka haysay xoojinaysay hay’adaha dawladda, iyadoo barbar wadday ka hawl-gelida nabadda iyo la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo argagixisada.. arrintani waxay masuul ka noqotay qaran amma bay’ad nabad iyo si adag u ilaashan iyo in ay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba horumar sameeyaan.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu masuuliyiintii iyo ganacsatadii caalamiga ahayd ee shirkaas goob-jooga ka ahayd u sheegay in shirkaas indha u furi doono, tusi doonana horumarada iyo khayraadka Somaliland ka jira, waxaannu yidhi; “Waqtigan xaadirka ah ballanqaaydada aasaasiga ah ee xukuumaddu is in dib u habayn lagu sameeyo meelaha muhiimka ah sida maaraynta dhaqaalaha dawladda, maalgashiga iyo ammaanka,, dhammaan arrimahan oo dhanna waxaannu ka leenahay qorshe aannu dejinay.
Waxaan rajaynayaa shirkan maantu inuu idin siin doono waxyaabo badan oo gudaha dalka ku saabsan, sida ganacsiga dhabta ah looga sameeyo Somaliland, waxaanay albaabka u furi doonta fursado maalgashi oo ku saabsan fursadaha waqtigan ka jira qaybo badan iyo sida ay macquul u tahay in la helo mustaqbalka dhow.”
Khudbada madaxweyne Siilaanyo ayay la dhaceen shirkadihii iyo marti-sharaftii shirkaasi ka soo qeyb gashay, isagoo si aftamo leh ugu bandhigay qadiyadda Somaliland iyo mustawaha ay ka joogto mandaqadda arbushan ee geeska afrika.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay shirkaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda uu shirkaasi u leeyahay dalka, waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay qadiyadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay Somaliland tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.
Geesta kalena waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska, kaasi oo sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay Somaliland, waxaanu ka sheekeeyay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.shirkaasi oo socday muddo dhawr iyo toban saacadood ah, xalay ayaa la soo gabo-gabeeyay.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply