Markuu Taajir Noqday Ayuu Abaalkii Guday

0
399

Arin aad uga yaabiyay dad badan ayaa ka dhacay dalka Shiinaha. Nin ka  mid ah ganacsatada tijaarta  ah ee dalkaasi ayaa booqasho ugu tegay   deganayd guri dabaq ah oo ay ku nool yihiin dadka faqiirka ah ee Shiinaha.
 
Ganacsadahan  weyn aya gabadhaasi siiyay lacag dhan malyuun Boowan oo ah lacagta dalkaasi una dhiganta 160 kun oo doller.  Markii la weydiiyay sababta uu u siiyay lacagta xadigan lehna , wuxu sheegay inay  gabadhani  tahay tii ka danbaysay  sirta guushiisa.
 
Ninkan ayaa intaasi ku daray  in muddo 20 sano ka hor ah, oo ay da’diisu ahayd 17 jir,  uu kana mid ahaa ciyaalka seexda derbiyada suuqa,  Waxaana uu intaasi ku daray in gabadhan oo lahayd dukaan lagu iibiyo baastada ay halkaasi ka kaxasay. Waxay i siisay raashin, hoy  waxayna ila raadisay shaqo ayuu yidhi. Waxa kale oo ay siin jirtay ayuu yidhi lacagta aan ku raaco Tareenka. Waxaana uu sheegay in aanu ilaabi Karin sidii naxariista lahayd ee ay uga qayb qaadatay guushan maanta uu haysto.  Waxaana uu celiyay abaalkaasi iyadoo ayba yar tahay dadka wax abaalka sida saxda ah uga jawaaba.

Leave a Reply