Xashiishka La Degay Caasimadda Oo Hal-Xidhaalle Ku Noqday Maamulka Dawladda Hoose

0
543

 
Hargeysa(Dawan):-Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa  u maaro-wayday khashinka hagaasiyay  bilicda Magaaladda, waxase laga dayriyay in cudurro ka dhalan karaan halista khashinka  la xakamayn waayay uu ku yeelanayo bed-qabka iyo saxadda caafimaadka milyanka iyo dheeraadka qof eeku dhaqan caasimaddan xashiishka la nool.
 
Weriye Faysal Xiis Weerar (Af-gaab) oo ka tirsan DAWAN oo  u dhabo-galay xadiga khashinka dhaawacay bilicdii caasimadda, ayaa  ka diyaariyay war-bixintan:-
 
“Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa meel kastaba buux dhaafiyay oo  ay indhahaagu qabanayaan khashin qarqiyay oo muddo badan yaalay.
 
Inkasta oo ay caasimadda Hargeysa ka jiraan shirkado ka shaqeeya gurista khashinka isla markaana aad habeenkii arkayso waddooyinka  halbawlaha ah ee magaalada oo la xaadhayo isla markaana khashinka ay ka qaadayaan gaadiid ay leeyihiin shirkadaha khashin gurka caasimada ka shaqeeyaa,haddana waxaa jira khashin tiro badan oo meel kasta oo aad marto aad ku arkayso,iyadoo waliba meelaha ugu badan ee khashinku yaallo ay ugu badan yihiin meelaha biyo mareenka ah ee diriinayjyadda loo yaqaanno.
 
Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa waxay ku guul darraysatay in ay guud ahaan nadiifiso goobaha biyo mareenka isla markaana ay tallaabo ka qaado cid kasta oo khashin qub ka dhigata guud ahaan  meel kasta oo aan ku habboonayn in khashinka la keeno oo laga qaado,midda labaad dawladda hoose ee Hargeysa ayaan samayn goobo cayiman oo ay ugu tallo gashay in ay dadku qashinka soo gaadhisiiyaan oo laga qaadi karo, gaar ahaan goobaha faras magaalaha ku yaalla.
 
 
Meelaha ugu daran waxa ka mid ah laagaha biyo mareenka ah oo ay dadku khashin qub ka dhigteen isla markaana dawladda hoose ee caasimaduna aanay ka qaadin khashinka is-biirsaday ee laagaha biyo mareenka ah laga soo buux dhaafiyay,halka ay dadka caasimada ku dhaqan oo  xashiish meel kastaba yaalla ka cabanayaana ay yihiin kuwa u sababta ah ee maalin kasta khashin hor leh ku qubaya meel kasta oo aan munaasib ku ahayn in xashiish lagu qubo.
 
Meelaha ugu daran ee khashinka yaalla iyo biyaha is-biirsaday ay isku milmeen isla markaana halista ugu badan ee caafimaad darro ay ka iman karto ayaa waxaa ugu horreeya biriijka weyn ee Hargeysa hoostiisa oo  ay xilligan fadhiyaan biyo urtoodu is-bedeshay oo sameeyay ur aad u adag,  iyadoo dooxa Hargeysa sida la wada og yahay biyo laga dhaamiyo isla markaana dameeraha biyooleyaasha ahi ay dadka u shubaan biyo ay ka dhaamiyeen dooxa weyn ee Hargeysa gaar ahaan agagaarka biriijka weyn ee Hargeysa oo ah halka ay fadhiyaan biyaha uraya ee is-bedelay isla markaana ay khashinkuna uu dhex yaallo.
 
Hadaba,  waxayis weydiintu tahay dawladda hoose ee Hargeysa miyaanay lahayn waaxdii faya dhawrka ee kor meeri lahayd goobaha ay cuduro ka dhalan karaan khashinka yaalla iyo biyaha is-taagay ay sababeen mise  dawladda Hoose ee Hargeysa ayaan xil iska saarayn in ay ku daba gasho shirkadaha khashinka ka shaqeeya  ee ay qandaraaska siisay   sida ay nadaafadda caasimada uga shaqeeyaan,mise xilkii iyo shaqadii Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa laga saaray gurista khashinka iyo nadaafadda caasimadda.
Ugu dambayn dawladda hoose ee caasimadda waxaa looga baahan yahay in ay nadaafadda caasimada sidan ay imika tahay wax ka bedesho isla markaana ay dadweynaha u samayso goobo ay khashinka geeyaan oo cayiman,  lagana qaado iy in ay tallaabo ka qaado cid kasta oo goobaha biyo mareenka ah khashin qub ka dhigata,laakiin haddii aanay  khashinka hore ka qaadin guud ahaan goobaha caasimadda ee xashiishku buux dhaafiyay dadweyahana kuma ciqaabi karto nadaafad la ilaaliyo.”
By: Faysal Xiis Weerar

Leave a Reply