Dalkaasi Ingiriiska oo laga helay khasnad da’deedu tahay 1200 oo sanno

0
366

Waxa dhowaan la helay khasnad dahabi ku jiro oo laga dhex helay kiniisada Scotland oo ah kiniisad qadiimii ah, taas oo ku taala koonfurta  Wales, waxaana khasnadan da’deedu yahay ama gaadhayaa sida la sheegay 1200 oo sanno.
Waxaana dhacdadan lagu soo daabacay wargeyska Daily Mail,waxaana baadhitaankeeda oo laabka ka socday in muddo ahi noqday mid soo dhamaaday, iyada oo lagu sameeyey baadhitaan wanaagsan, kaas oo lagu sheegay in khasnadaasi tahay mid jirtay 1200 oo sanno.
Waxaanu baadhitaankan iyo sidoo kalena soo bandhiganiba noqday kii ugu wanaagsanaa ee la sameeyo taariikhda wadankaasi Ingiriiska,iyada oo la cadeeyey inay ka samaysan tahay khasnadani waxyaalo macdan ah oo la sameeyey qarniyadii sagaalaad ilaa tobnaad,iyada  oo lagu dhex daray waxyaalo fido ah.
Waxaanay noqotay walaxdii ugu dambaysay ee taariikhi ah lagana helo wadankaasi Ingiriiska gudihiisa.

Leave a Reply