Tareen soo kala dhex galay dad orodka maratoonka ka qayb gelaayey

0
388

Dad ka qayb gelaayey orodka loo yaqaano Maratoonka ayaa carqaladii ugu weynayd ku keenay orodkaasi,iyada oo uu soo dhex galay tareenkaasi iyada oo orodkii badhtanka lagaga jiro,taas oo keentay in ay khal khal gasho guusha orodkaasi.
Orodkan ayaa wuxu ka dhacaayey Indiana oo kamid ah goboladda dalkaasi Maraykanka,waxaanu tareenkaasi jaray dariiqii iyada oo aan wax digniin ah la siin dadkaasi,waxaanay taasi keentay in qaar badan oo kamid ah dadkaasi tartameyaasha ahi joojiyaan orodkii ,iyaga oo sugaayey inuu dhaafo tareenkaasi.
Markii tareenkaasi soo dhex galay dadkaasi ayaa waxa dhacday inay qaar hore u gaadheen meeshii loogu talo galay,sidoo kalena ay kuwii kalena goor dambe yimaadeen,taas oo keentay inay joojiyaan kooxihii xukunka hayey ,taasina waxay ka dhigtay orodkaasi mid ku fashilma guushii laga doonaayey in laga gaadho,iyada dadkii orodkaasi guusha ka doonaayey ay ku hungoobaan.
 
 

Leave a Reply