“Kama Qeyb-galayno Shirka Denmark Oo Ay Soomaaliya Nagu Marti-qaaday”

0
353

Hargaysa (Dawan): Dawladda Somaliland ayaa mawqif cad iska taagtay, isla markaana qaadacday  shirka la filayo in uu bisha dambe  ka dhaco dalka Denmark, kaasi oo dhaqaale loogu ururinayo dawladda Soomaaliya.
Somaliland oo lagu soo casuumay in ay shirkaasi ka qayb gasho  ayaa ku gacan saydhay marti qaad ay u  fidisay dawladda Xamar ee waayuhu gabaanadeen,  kaasi oo ay  Somaliland  ku tilmaantay in la doonayo in ay ka soo qayb gasho iyada oo qayb ka ah federaalka Soomaaliya.
 
Sidaasina waxa  cadeeyay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shalay  waraysi la yeelatay  Laanta Af Soomaaliga ee BBC, isagoo ku sugan magaalada London, kana    ka mid ahaa wasiiradii la socday weftiga madaxweynaha Somaliland hogaaminayay ee ka qaybgalay shirkii ku saabsanaa ganacsiga iyo maalgaashiga ee ka dhacay London.
Waxaanu tilmaamy in ay shirkaasi u gudbinayaan warbixin ay kaga hadlayaan baahiyahooda iyo waxyaabaha u mudan ee  ay doonayaan in laga caawiyo, balse aanay marnaba Somaliland shirkaasi ka qayb gelaynin.
Wasiirka ayaa  sheegay in shirkaasi Somaliland lagu marti qaaday balse sababta ay u diideen ay tahay in ay Somaliland tahay dawladda xor ah isla markaana la siman dawladda Muqdisho  haddii ay ka qaybgalaana ay muujinayso in Somaliland ay qayb ka tahay federaalka Soomaaliya.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu “Waa la nagu marti qaaday shirka bisha dambe ka dhacaya Denmark,  oo dawladda Muqdisho ayaa nagu marti qaaday, laakiin marti qaadkaasi maanaan abqalin, shirkaasina qaab dhismeedka uu hadda leeyaay  kuma tallo jirno in aanu ka qaybgalno, kana qaybgeli mayno.  waayo annagu waxaanu isku aragnaa wadan xor ah oo la siman wadanka  Soomaaliya, haddii aanu qaabka loo abaabulayaa taasi muujinaynin oo aanaan si siman uga wadda  qaybgelaynin, ma aqbali karno in shirkaasi ay dawladda Muqdisho  nagu  marti qaado, oo  Markaa  loo akhristo in aanu nahay qayb federalka ka mid ah, waayo ma nihiin”.
Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu sheegay inay qaban qaabiyeyaasha shirkaasi kala  hadleen  kuna wargeliyeen in aanay Somaliland shirkaasi ka qaybgelaynin, isla markaana ay ku qanceen  markii ay u soo bandhigeen sababta ay u qaadaceen shirkaasi.  waxaanu yidhi “Cidda shirkaasi qaban qaabinaysa waanu kala hadalnay, waananu u soo bandhignay, waanay naga garawsadeen, laakiin marti qaadka ay na siisay dawladda Soomaaliya shirkaasi ku tegi mayno. Maya dawladda Denmark gogosha ayuun bay fidinayaan, laakiin qabanqaabadda iyo iyo martiqaadka sida uu hadda u socdo, waxaa iska leh dawladda Muqdisho iyo hay’ada UN-ka”.
Shirkan  loo yaqaano New Deal  oo sanadkii hore ka dhacay magaaladda Brussels ee dalka Belgium  ayaa Soomaaliya lacag badan loogu ururiyay iyada oo ay Somailand-na  lacagtaasi kaalmadda ah ee lagu yaboohay qayb ku lahayd,  hase yeeshee  wasiirka qorshayntu   waxa uu sheegay in aanay Somalialnd, weli waxba ka soo gaadhin dhaqaalihii shirkii kal hore lagaga yaboohay.“Weli waxba nagama soo gaadhin, inkasta oo shirkii kal hore ee Bruseels lagu sameeyay habka cusub ee deeqaha (new deal) lagaga wada hadlayay hadana anagu waxaanu gaysanay baahiyahayaga, waxyaabaha noo mudan, kan laftiisa warbixin ayaanu geynaynaa, waxyaabaha noo mudan iyo waxyaabaha ay baahiyahayagu  yihiin”  ayuu yidhi Wasiirku.
 
Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheyntu isagoo faahfaahin ka bixinayay  natiijadda ka soo baxday shirkii ku saabsanaa ganacsiga   iyo madaxdii kala  duwayd ee ka qaybgashay waxa uu yidhi “Natiijadii shirkaasi nooga soo baxday waxay tahay in runtii si weyn loo xiisaynayay, waxaana  markii la furay bilawgii iyo ilaa markii la soo xidhay wuu buuxay.  waxa kale oo jiray kulamo  gooni-gooni ah oo ay ganacsatada iyo dadka kale isku arayeen, markaa shirkaasi si fiican ayaa loo soo dhaweeyay, si fiican ayaana loo soo dhaweeyay, shrikaasi natiijadiisu waxay tahay in dadkii aanu doonaynay in noo yimaadaan oo aanu uga waramay fursadaha maalgashi ee Somalialnd ka jira”.
Dr. Shire waxa uu intaasi ku daray  in Somaliland ay diyaar u tahay maalgashi shisheeye, isla markaana ay jiraan fursado badan oo dalka ka jira. “Somalialnd wa au diyaar maalgashi shisheeye, fursado badan ayaa jira dhinac kasta oo aad ka eegto.Shuruucdii soo jiidanayay dadka maalgashiga doonayay ayaa jira, waanay jiraan kuwo hore dalka ujoogay kuwo kalena waanu rejaynaynaa inay yimaadaan”.
Wasiirka oo la waydiiyay su’aal ahayd maadaama oo aanay dunidu aqoonsanayn Somaliland xataa dawladda Ingiriiska ee shirka soo qaban qaabisay, marka laga hadlayo maalgashi shisheeyna uu ku xidhan yahay aqoonsi caalami ah, sida ay arrimahaasi isku waafajinayaan. Waxaanu ku jawaabay “Dawlada waanu nahay, dawladna waa la  noo aqoonsan yahay, waxa aanay weli ka mid noqon uun beesha caalamka, oo waxa aanaan xubin ka noqon jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururka Midawga Afrika, laakiin aduunka waxa uu noola dhaqmaa sidii wadan jira, iyada oo ay xaaladaasi jirto ayay hadana dawladuhu noo yimaadaan, wasiirradooduna noo yimaadaan, shirkaduhu noo yimaadaan, oo ay dalka maalgashadaan” ayuu yidhi wasiir Sacad.
Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay inay jiraan shirkaddo caalami ah oo maalgashi ku sameeyay Somaliland. Waxaanu yidhi  “Waxaa ka mid ah shirkadda Cococola oo wershad ku leh Somaliland, waxa ka mid ah shirkad Shiine ah, waxa jira shirkadaha soo saara shiidaalka, waxa kale oo jira shirkaddo xagga ganacsiga ah oo iyagana dalka jooga”.
 
 

Leave a Reply