“Madaxweynaha Waxaynu Afkiisa ka Haynaa in uu Sharaxan Yahay, Kuwii Beenta ka Sheegayna”

0
378

“Haddii Aanu Madaxweynaha tallada dalka hayaa aanu joogin, waddo lama hawaysteen” Wasiir Samaalle
 
Hargeysa(DAWAN) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland  Md. C/casiis Maxamed Samaalle,  ayaa sheegay Madaxweyne  Axmed Siilaanyo in uu cadeeyey in uu musharax yahay, isla markaana uu bulshadda daboolka uga qaaday murrashaxnimadiisa kalka labaad ee dastuurku u jideeyay. Waxase uu been abuur cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtooyadda ee lagu wado dalka inay ka dhacdo 2015-ka.
 
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sidaasi ka sheegay Kormeer ay  shalay isaga iyo Wasiirrada Waxbarashadda iyo Warshaduhu ku soo mareen dhismaha jidka Alley-baday ee gobolka Gabiley. “Madaxweynaha Afkiisa waxaynu ka haynaa in uu sharaxan yahay, kuwii beenta ka sheegay wali waxay sii wadaan beentii,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaalle. Wasiir Samaale waxa uu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay xukuumaddiisa Wasiirro wanaagsan oo mudadii uu xilka hayey ka soo baxay shaqadii loo dirtay, kuwaas oo ku shaqeeyey Horumarka iyo wax-qabadka wanaagsan ee uu Taariikhda ku galay, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hore-na taariikh wanaagsan u soo sameeyey imikana ku khatimayo.
“Haddii Aanu Madaxweynaha haatan tallada dalka hayaa aanu joogin, waddo lama hawaysteen, Miyaa la hawaysan lahaa? Awal maxaa loo hawaysan waayay. Sideed sannadood ayay xukuumaddii UDUB dalka ka tallinaysay wadada Boorame iyo Hargeysa siday ahayd waad ogaydeen shacbiyoow wadadaasi waa la dhameeyay waxaana dhamaysay xukuumadda maanta joogta. Waddooyinkaasi maanta wada bilaabmayna ILAAHAY idinkii inta uu tallada wadanka hayo Madaxweyne Siilaanyo  ayay  wada dhammaan doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu, waxaanu intaasi ku daray “Wadadan Gabiley illaa Allay-baddey way kooban tahay oo dhakhso ayay u dhammaan doontaaye’, jidka Ceerigaabo ayaa dhammaan doona haddii ALLE yidhaahdo wadooyinka waqooyiga Hargeysa,Sallaxley,Baligubadle ayaa dhammaan doonta.”
Wasiir Samaale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u baryey in uu Cimriga u dheereeyo isla markaana uu bulshada Reer Somaliland uga tago midho wanaagsan, waxaau daadifeeyey kuwa dhaliila waxqabadkiisa oo uu sheegay inay ka been sheegayaan inta uu qabtay.
Wasiirka Maaliyaddu  waxa uu sheegay markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo tallada Dalka la wareegay in dalku ku jiray Dayn taasoo ay bixiyeen. Waxa kale oo uu sheegay in uu dhisay wadadii UDUB ay dhisi kari weyday ee Boorama, isagoo xusay Madaxweynihii xilligaasi in uu ka soo jeeday Gobolka Awdal, halka Xukuumadda Kulmiye ka dhisayso dhammaan Jidadka Goboladda iyo Degmooyinka  Dalka isku xidhaya.
Wasiir Samaalle waxa uu xusay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu goboladda Barri ka bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd, dakhliga Dalkana kor u qaaday, iyadoo waxaas oo dhami ay ku yimaadeen dedaalka iyo daacadnimada Wasiirrada uu u xushay Golihiisa Wasiirrada.
Dhinac akale, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay dugsiga sare ee Quulle Aadan Dool Ee Magaaladda Hargeysa.
Munaasibad ii xadhiga lagaga jarayay  dhismaha lix fasal oo  ka mid ah binadda  cusub ee dugsiga QUULLE AADAN,  waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Waxbarashadda, Maaliyadda, Cadaalladda iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarradda iyo gudoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodi-jeex.
Wasiirka Waxbarashadda  iyo tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay dhismaha  cusub ee dugsiga         QUULLE AADAN, Waxaanay tidhi “Wasiirka Maaliyadda oo xafladan inala joogaa waxa uu balan-qaaday in lacagtii hadhay oo ahayd 17 kun oo Dollar inay wasaaradda Maaliyaddu bixinayso. Wixii niyadda wanaagsan lagu galo ILAAHAY ayaa hawl yareeya, niyad wanaagsan ayaanu ku bilownay dhismaha dugsigan oo lacag umaanu haynin dayrkan iyo fasaladan cusub ee loo dhisay dugsiga QUULE AADAN, oo ka muuqda dugsiyadda sare ee dalka. Lacagtii qeybtii ugu dambaysay lagu dhisayo oo aan ka war-warsanaana waa kaas innaga furtay Wasiirka maaliyaddu ee uu balan-qaaday inuu bixinayo.”
 
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha loo binaynayo dugsigaas,waxaanu yidhi “Markii Wasiirka Waxbarashadu ii sheegtay in dhamaystirka iskuulkani deyn lagaga leeyahay, ayaan balan-qaaday inay wasaaradda maaliyaddu bixiso.”
 
Wasiirka Cadaaladda Iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa ardayda dugsigaasi u soo jeediyay inay ilaashadaan dugsiga ay wax ku baranayaan isla markaana ka qeyb qaataan horumarka dalka, waxaanu yidhi “Waxa ardayda dugsigan laga doonayaa midhihii halganka iyo taariikhdii mujaahidka dugsiga loogu magac-daray ee QUULE AADAN DOOL Inaad ilaalisaan, waxa la doonayaa inaad garataan hoggaanka dalka himilooyinkiisa iyo horumarka cagta Somaliland saartay, waxaanan idinku boorinayaa inaanay dhankiina ka ciirin.”

Leave a Reply