Khilaafkii Ugu Cuslaa Ee Awooda Lagu Kala Hororsanayo Oo Ka Dhex Qarxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID

0
420

Fadeexad Ka Dhalatay Wefti Xisbiga UCID Ee Booqashada Ku Jooga Burco Oo  Ku Kala Degay Laba Huteel
Dulucda Qoddobada La isku Qabtay Ee Dib u Istaadhay Khilaafkii Huursanaa
 
Burco (DAWAN)-Khilaaf xoog leh oo awooda lagu kala hororsanayo ayaa ka dhex bilaabmay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, kaasi oo u dhaxeeya laba dhinac oo kala taabacsan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas majaajileyste Jamaal Cali Xuseen.
Khilaafkan ayay ilo-looga qaateen ahi DAWAN u xaqiijiyeen inuu dib u istaadhmay toddobaadkan ka dib markii uu muddo huursanaa, markii uu Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu xilkii  ka qaaday Xoghayihii maaliyadda Marwo Faadumo Siciid, taasi oo ka cadheysiisay garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo u arkay inay tahay mid sharci darro ah.arrintaasi oo xansas iyo xaabo u noqotay inay toos isku hujuumaan oo ay isku dhacaan Guddoomiyaha UCID iyo ninka sheegta murrashaxa madaxtinimo, iyadoo ay indhowaaleba Hoggaanka xisbiga UCID ay ka biyo diidsanaayeen kaalinta siyaasadeed iyo waayo arragnimo ee murrashax Jamaal, waxaanay ka xumaadeen inuu warbaahinta ka sii daayay  hadallo uu  ku khilaafayay heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ee lagu soo afjarayay khilaafkii ka dhashay  diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha.
Khilaafkan ka dhex oogan  xisbiga UCID ayaa sababay in wefti ka socda xisbigaasi oo Booqasho ku jooga Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay kala degeen laba huteel oo kala duwan, iyadoo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo xubno ka mid ah Hoggaanka xisbigu ay degeen Huteelka City Plaza, halka Jamaal Cali Xuseen iyo xubno taageereyaashiisa ahina ay galeen Huteelka Cigaal ee magaaladda Burco.
Warku waxa uu intaasi ku daray in taageereyaasha xisbigaasi ee magaaladda Burco oo xiisadaas si dhow isha ugu hayay ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu daminayo khilaafka  oo ay u arkaan inuu saamayn fool xun ku yeelanayo mustaqbalka xisbiga, hase yeeshee waxa la soo weriyay in dedaaladaasi aan wali lagu guulaysan, iyagoo shalay masuuliyiinta UCID ay Burco ku sugan yihiin maalintii labaad.
Warka xisbiga UCID oo isa soo taraya waxay sheegeen  l in Faysal Cali Waraabe aanu doonaynin in kal-dambe uu Jamaal Cali Xuseen sii ahaado murrashaxa UCID u metali doona doorashadda lagu wado inay wadanka ka qabsoonto badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya.
 

Leave a Reply