Obama oo Yurub kala Xaajoonaya Daacish

0
455

Madaxweynaha Maraykanka  Barack Obama ayaa ku howlan sidii uu hoggaamiyeyaasha Yurub u kasban lahaa in ay dhinacooda ka giijiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish isaga oo shir muuqaal ah   hoggaamiyaashaasi kula xaajoonaya, kuna riixaya inay galaan dagaalka.
.Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u sheegay saraakiil sare oo hoggaamiya miletariga mareykanka ee ka hawlgala dalka dibediisa, in uu aad uga walaacsanyahay weerarka ay kooxda daacish ku hayso magaalada Kobane.
Magaalada Kobane oo ku taala xuduuda u dhaxeysa Suuriya iyo Turkiga ayaa muddo todobaadyo a waxa isku haya dagaalyahanada Daacish iyo xooggaga Kurdiyiinta oo doonaya in ay difaacaan Magaalada.
Obama ayaa u sheegay taliyayasha ciidanka oo ku shirayey meel ku dhow magaalada Washington in laga yaabo in ololaha miletari ee ka dhanka ah kooxdan uu noqdo mid wakhti dheer qaata, waxaana laga yaabaa ayuu leeyahay  in lala kulmo guul iyo guul daro labadaba.
 

Leave a Reply