Shaydaanka Iyo Isku Dirka (Qiso)

0
1094

 
Markii Nebi Ibraahim (cs) la faray inuu bireeyo wiilkiisa Ibraahim. Ayuu  Shaydaanku u tagay Hooyo Haajara oo dhashay wuxuuna ku  yidhi “Halkaan ayaad iska fadhidaa Ibraahiim wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah”.
Haajara waxay tidhi: “Iga daa beenta, xaggeed ku aragtay Aabbe Ilmihiisa biraynayaa?”.
Shaydaan wuxuu yidhi: “Sababtaasi ayuu u qaatay xadhiga iyo mindida”.
Haajara waxay tidhi: “Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?”.
Shaydaan wuxuu yidhi: “Wuxuu sheegayaa in Illahay amray”.
Haajara waxay tidhi: “Allah (sw) Baadil ma amrayo”.  Halkaasi ayuu Ibliis ku fashilmay.
 
 Xikmadaha  Maanta
Haku adkayn naftaada cibaadada, ku dheganow sunnaha iyo dhex dhexaadnimada.
Araga oo la sii daayaa wuxuu ku dhaxal siiyaa Hammi, Qammi iyo dhaawac uu qalbiga ku reebo. Ka wanaagsani waa ka indhihiisa laaba, Allah (sw) ka cabsaday.
Ha cadhoon, hadaad cadhootana aamus oo shaydaanka iska naar meeshana bedal, hadii aad fadhiday istaag hadii aad taagnaydna fadhiiso, wayso qaado oo badi dikriga Allah (sw).
Cidna haka sugin mahadnaq, waxaa kugu filan Abaalka Allah (sw), waxba kaama galin kii ku bakhaylay ama ku xaasiday.
Ka Maydh qalbigaaga xasadka, kana nadiifi cuqdada iyo uurxumada.
Iska jir malaha xun, kana fogow malaha beenta’ah iyo waxa aan jirin ee ay naftu kuugu sheekayso.

Leave a Reply