Wasiirro Soo Kormeeray jidka Allay-baday, Lacagna Ugu Deeqay

0
522

Allay-baday(Dawan):  Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay weheliyaan Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige, Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), Maayar ku-xigeenka Degmada Gabilay iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabilay ayaa shalay kormeeray dhismaha Jidka Allay-baday, halkaas oo ay socod ku mareen Jid cade dhan 8 Km oo Caro-tuul la dhigay.
 
Masuuliyiintan ayaa maray goobta Ciida looga gooyo Jidka, halka uu ka bilaabmo iyo halka uu marayo, iyagoo u kuur-galay baahiyaha aasaasiga ah ee uu u baahan yahay si loo dhamaystiro, waxaanay ahaayeen weftigii ugu miisaanka cuslaa ee jidkaasi booqda, marka laga reebo sanad ka hor oo ku beegan maalintii uu dhagax dhigay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay xaflad loo qabtay booqashada weftigooda ayaa sheegtay Sadexdooda wasiir in ay ugu deeqayaan jidkaasi min shan kun oo Doolar, waxaanay sheegtay Xukuumadda ay ka tirsan tahay in ay dhamaystirayso jidkaas, iyo jidadka kale, iyadoo ugu baaqday dadka kale ee Hantida haysta inay ka qayb qaataan dhismaha Jidka Allaybaday.
 
Wasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur ayaa sheegay Xukuumad ahaan mudadii ay xilka hayeen in ay waxyaabo badan oo wadooyinku ka mid yihiin ay Dalka ka qabteen, waxaanu xusay inay Xukuumadda ka go’antahay inay baahiyaha bulshada Reer Somaliland daboosho mudada ay xilka hayso, isagoo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku amaanay hormoodka uu ugu yahay wasiiraddiisa Horumarka Dalka.
 
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna dhiniciisa balanqaaday inay Jidka Allaybaday iyo jidadka kale ee Dalkaba dhamaystiri doonaan, isagoo sheegay horumarka dhaqaalaha Dalka, samaynta Wadooyinka, iyo waxqabadka kale ee ay Xukuumadda talada haysaa ku talaabsatay in ay jiraan dad dacaayadeeya oo ka xun oo been ka sheega, waxaanu ku faanay Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradda uu xushay inay Dalka ka soo saareen meel hoose.
 
Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Balaaki) ayaa munaasibadaasi kaga yaboohay in uu ku darsanayo jidka Allaybaday Kun Dolar, halka Maayar ku-xigeenka iyo laba xildhibaan oo kalena ay kaga yabooheen sadex kun iyo shan boqol oo Doolar.
 
Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo hogaaminayey weftiga Gobolka Gabilay ayaa isna kaga dhawaaqay in uu Kun Doolar Jeebkiisa ka bixinayo, waxaanu Mustafe Cabdi Sheegay in Olole balaadhan oo qaadhaan ururin ah uu Jidka uga soo sameeyey Dalka Ingiriiska.
 
Badhasaabka Gobolka Gabilay waxa uu munaasibadaasi kaga eedeeyey Axsaabta Mucaaradka ah in ay Dalka ka wadaan Qabyaalad iyo kala kaxayn isagoo xusay inay dadka walaalaha ah dhex dhigayaan furfur, waxaanu carabaabay Gobolka Gabilay in ay wufuud ka socota mucaaradku la tageen nacayb iyo naxli isagoo ugu baaqay Dadweynaha inay ka foojignaadaan.
 
Maayar ku-xigeenka Degmadda Allay-baday iyo Xildhibaanada Golahaasi ayaa dhinacooda ka sheegay in ay Jidka ku bixiyeen dhaqaale joogto ah, isla markaana mid kale ooh or leh miisaaniyadda ugu dareen, waxaanay Xukuumadda Dhexe ugu baaqeen in ay kaalin mug leh ka qaadato, maadaama Gobolka Gabilay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Madaxtinimadiisa kaalin weyn ka qaateen.
 
Suldaanka Guud ee Allay-baday Suldaan Axmed Yaasiin Samaale ayaa uga mahadnaqay Wasiiradda iyo Xildhibaanada soo booqday Jidka Allay-baday Kormeerkooda, waxaanu ka codsaday in Jidka iyo Degmadaba wax lala qabto, isagoo faahfaahin ka bixiyey dhibaatada Jid la’aantu ku hayso Degmadda.
 
Guddida Jidka Allay-baday ayaa iyana Madasha uga mahadnaqay dhamaan dadka gacanta ka siiyey mudadii ay wadeen dhismahaasi, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadda iyo Dadweynahaba inay wali u baahan yihiin taageeradooda.

Leave a Reply