Haddii aad tagto maariikh da’daadu waxay noqonaysaa 68 jir

0
505

Daraasad dhowaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in haddii qofku tago meeraha maariikh ay da’diisu noqonayso oo keliyaata 68 sanno.
Waxaanay sheegeen in haddii ay baahdo daraasadani ay dhici karto inay dad badani bedelaan rayigoodii ahaa inay booqasho ku tagaan meeraha maariikh oo ay dad badani tegistiisa isu diwaangeliyeen.
Daraasadan ayaa waxa qoray maxad laga lee yahay dalkaasi Maraykanka oo lagu magcaabo Massachusetts Institute of Technology.
Daraasadan uu maxadku soo saaray ayuu ku sheegay in da’da qofku tahay 68 sanno marka uu tago meeraha Maariikh ,intaa wixii ka dambeeyana uu qofkaasi dhimanaayo.
Kooxahan daraasada soo saaray ayaa caqabada ugu horeysa ee soo foodsaaraysa qofka ku tilmaamay inay tahay cuntada,madaama oo aanu qaadanayn cunto ku filan,gaar ahaana marka loo eego da’diisa iyo waqtiga uu joogaayo.
Iyaga oo sheegay in aanay noqon cuntada ay qaataan dadka halkaasi tegayaa inta ay ugu talo galaan,sidoo kalena aanay noqon siday moodaan .
Waxa kale oo ay sababta kale ku sheegeen inay tahay jawiga oo aan ahayn mid u saamaxaaya nolol dheer,wixii intaas ka dambeeyana ay dhimasho tahay xaaladoodu.
Waxa kale oo ay sheegeen in waxyaalaha dheeraadka ah ee ay dalbadaan dadkaasi ay qaadanayso in laga daba geeyo muddo dheer,sidoo kalena ay qaadanayso inay qaadaan 15 saaruukh oo kuwa dayax gacmeedka ahi.
 

Leave a Reply