Ruwanda oo ka Xumaatay Barnaamij laga Baahiyay

0
399

Markii labaad muddo todobaad ah ayaa dowladda Rwanda waxa ay jawaab ka bixisay barnaamij ka baxay telefishinka BBC, kaasoo lagu magacaabay “Sheekada aan laga warramin ee Rwanda”.
Barnaamijka ayaa waxaa ku jiray baadhitaan ay sameeyeen laba cilmi baadhe oo u dhashay dalka Mareykanka, kaasoo su’aal gelinaya qaabka looga warramay xasuuqii dalkaasi ka dhacay 1994-tii.
Khamiistii, wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in dowladdeeda ay ka shaqeyneyso qaabkii ay uga jawaabi lahayd barnaamijkaasi.
Tan iyo markii uu barnaamijka ka baxay telefishinka BBC kowdii bishii October, ayaa waxaa sare u kacayay hadal hayntiisa, gaar ahaan baraha ay bulshada ku wada xidhiidho.
Barnaamijka ayaa soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidammada Rwanda, kaasoo ku eedeynaya madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame, in uu ka dambeeyay riditaankii diyaaradii ay ku dhinteen madaxweynayaashii Rwanda iyo Burundi ee 1994-tii, taasoo la rumeysan yahay in ay dhalisay xasuuqii Rwanda ka dhacay.
Cilmi baarayaasha Mareykanka ah ayaa baaritaankooda ku saleeyay tiradii dadweynaha ee xilligaasi Rwanda u diiwan gashaneyd, waxaana ay sheegeen in tirada dadka Hutu-ga ah ee lagu dilay xasuuqa ay ka badnaan lahayd tan Tutsi-ga.
Wasiirka arrimaha dibada ee Rwanda, Louise Mushikiwabo, ayaa barnaamijka ku tilmaamtay mid isdaba marinaya tariikhda dalkeeda.
Waxa ay wacad ku martay in ay jawaab ku haboon ka bixinayaan, ayna ka sal gaari doonaan cidda ku lug lahayd sameynta barnaamijka.
BBC-da ayaa diiday in barnaamijkaasi uu ka dhigan yahay beeninta xasuuqii dhacay ee lagu laayay dadkii u badnaa Tutsi-ga.
Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay in barnaamijka uu soo bandhigay baaritaan qota dheer, isla markaana uu wax ku biiriyay aqoonteena ku aadan musiibadii murugada badneyd ee dalkaasi haleelashay.
BBC-da ayaa sheegtay in Rwanda ay u soo bandhigtay barnaamijka ka hor inta aan la baahin, balse xukuumadda Kigale ay ka gaabsatay in ay ka hadasho.
 
 

Leave a Reply