“Guddoomiyaha WADDANI Ayay Xagiisa Ka Socon La’dahay Doorashadu” Wasiir C/Waaxid

0
416

Hargeysa (DAWAN): Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta  dhaqanka iyo wacyigelinta ee Somaliland C/waaxid C/qaadir  C/Raxmaan, ayaa sheegay in uu masuuliyadeedda dusha u ridan doono  xeerka diiwaangelinta iy codbixinta ee golaha guurrtidu dib ugu soo celiyeen wakiiladda,  markii ay arkeen in xeerka loo soo gudbiyay aanu ahayn kii goleweynuhu meelmariyeen.
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo ka jawaab ka bixiyay  hadal dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga Waddani kaasi oo uu xukuumada ku eedeeyay in ay doonayso in dib u dhac ku gyimaado doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan sanadka  fada inagu soo haya.
C/waaxid C/qaadir oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay  wargeyska DAWAN  waxaana uu tilmaamay in xukuumadu  dhinaceeda wixii ka khuseeyay  doorashooyinka ay dhamaystirtay una diyaar tahay in ay qabato doorashoyinka xiligii loogu tallo galay. isagoo  ka hadlayay  arrinta doorashooyinka  waxa uu yidhi “Waxaan u waragnaa hadalka guddoomiyaha xisbiga Waddani ku celcelinayay muddo baddan isaga iyo xisbigiisuba, umadduna waa noo markhaati, xukuumaduna meel ay dib ugu dhigtay doorashadda ma jirto, wixii  dhinaceeda ku xidhnaa way dhamaystirtay lacagtii miisaaniyada ayay ku jirtaa, gudidii doorashadda  waa la magacaabay.”
Wasiir ku xigeenka warfaafintu   waxa  kale oo  uu tilmaamay   in guddoomiye Cirro carqaladaynayo  in doorashooyinku  ay  wakhtigoodii ku qabsoomaan, “Annagu  xukuumad ahaan waxaanu  isleenahay guddooniyaha Waddani ayay xagiisa  ka socon la’dahay in doorashaddu qabsoonto, sababtuna waxa weeyi  xubnihii Komishanka doorashooyinka golaha wakiilada ayaa loo gudbiyay mar hore lama ansixin, annaga xagayaga  xukuumad ahaan way ka dhamaatay, xagiisa ayay taallaa  guddoomiye Cirro inuu  hawsha ka dedejiyo  golihii wakiilada isugumuu yeedhin. Xukuumaddu dib u dhigis kuma jirto doorashadda, waxaanan isleenahay doorashadda waxaad ku gashaan oo aanu qabanay umadda Somaliland. Kalsoonina waan isku qabnaa in aanu  doorashadda ku galno markaa guddoomiyaha Waddani  ayaanu meelahaa ka  warwareegin  haddii uu doorashada diyaar u yahay way dhacaysaa, wixii isaga ku xidhana ha sameeyo, waana hadal aan isleeyahay dadka uun baa lagu kicinayaa oo olole aan dhawayn  lagu sii galayo. Wax aliyaale wax ka jiraa ma jiraan.”
Wasiir Cabdiwaaxid waxa uu tilmaamay  in guddoomiye Cirro ay ku kooban tahay hadalo uu kaga dayrinayay in doorashooyinka soo socda ay u dhacaan si xor  ah oo xalaal ah. waxa kale oo uu ku dooday  in masuuliyadeeda uu qaadi doono guddoomiye Cirro xeerkii diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha oo golaha guurtidu dib ugu soo celiyay golaha wakiilada, ka dib markii  wax ka baddel lagu sameeyay sidii golaha wakiilada ku ansixiyay.Waxaanu  yidhi “Doorashada aan la gaadhin ninka leh waxbaa la kharibi doonaa, anaga xaga xukuumadda ahaan  maaha isaga wax damacsan guddoomiyaha Waddani, doorashadda si wanaagsan ayaanu  u qabanaynaa amniga ayaan sugaynaa, guddi doorasho ayaa jira iyagay u taala sidii ay dhexdhexaad ugu noqon laahaayeen  xisbiyada tartamaya u kala hagi lahaayeen doorashaduna si xor  ah oo xalaala u dhici lahayd.Xukuumad ahaan arrinkaa waan maqalnay in golaha guurtidu soo celiyeen xeerkaa diiwaangelinta madaniga  iyo ka codbixiyeyaasha, khaladaad ka baxay dhinaca golaha wkaiilada inay ku jiraan masuulka ugu sareeya golaha wakiilada waa guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wkaiilada masuuliyadaa isagaa qaadaya haddii ay isaga fadhiisato iyo haddii cid kale u qabsan lahaa oo ay gali  lahayd ba baadhisteeda iyo jawaabteedaba iyo  taa dawlada iyo dadkuba isagay ka sugayaan.”
Sidoo   kale wasiir ku xigeenku waxa   uu tilmaamay in xisbiga Kulmiye doorashooyinka soo socda cududooda iskugu gayn doonaan shacabka Somaliland, una soo bandhigi doonaan wixii ay qabteen. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Sida aynu ognahay doorashadii u danbaysay ee golaha deegaanka xisbiga Kulmiye kaalinta uu galay waa la ogaa, iyadoo dhaliilo badani jireen oo la leeyahay waxba ma hayo, dadku ma taageersana hadana cududoodii dadku way iskugu geeyeen, maantana tii oo kala ayaanu qabnaa oo aanu filaynaa wixii umadda aanu u qabanay ayaanu ku gali doonaa doorashadda.  taageero weynaa waanu ka rajaynaynaa shacabka Somaliland.”
C/waaxid  waxa kale oo uu sheegay in xisbiga Kulmiye xukuumaddu midaysan yihiin wada shaqaynina ay ka dhexayso, waxaanu  yidhi “Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye way midaysan yihiin waanay wada socdaan. Murashaxana madaxweynaha ah guddoomiyaha Kulmiye waa kii ku dhawaaqay in murashaxnimadda madaxweynuhu u taagan yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo taas ayaa lagu wada shaqaynayaa iyagoo midaysan ayay doorashadda galayaan, waxaanan filayaa wax nagu soo biira oo taageera mooyaane wax naga dhacay in aanu jirin doonin, haddii Alle yidhaahdo.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply