Guddoomiye Cirro Oo u Gudbiyay Guurtidda Nuqul Aan Ahayn Xeerkii Diiwaan-gelinta Ee Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen

0
411

Hargaysa (Dawan): – Guddoomiyaha  Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)   iyo Xoghayaha  Guud ee Golaha Wakiiladda C/Risaaq Siciid Ayaanle, ayaa sameeyay khaa’inimadii u weynayd, waxaanay gabi ahaan-ba rifeen  xeerkii diiwaan-gelinta madaniga ah iyo codbixiyeyaasha oo ay Golaha Guurtida u gudbiyeen  xeer aan ahayn kii ay Xildhibaanadda aqalkaasi ansixiyeen, tallaabadaas sharci darrada ah oo sababtay In Golaha Guurtidu dib ugu soo celiyo Guddoomiyaha Wakiiladda xeerkan la dhalan-gediyay  ee aan u qornayn  sidii wakiiladu ku ansixiyeen.
  Dhalan-gediska Guddoomiye Cirro ku sameeyay Xeerka diiwaan-gelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha waxa lagu kashifay  qoraal uu Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan u soo qoray  Guddoomiyaha Wakiiladda  16-kii Bishan.  “Mudane Guddoomiye:Wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelitna codbixiyeyaasha Xeer Lr. 37/2007, ee aad Golaha u soo gudbiseen, kuna lifaaqan halkani iyo kii aad Golaha ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya sida ku cad qodobada 7aad, faqradiisa 2aad, 25aad & 26aad. Sidaasi darteedna, waxa la idinka codsanayaa in aad is-waafajisaan, soona gudbisaan nuqul rasmi ah oo ah kii Golaha ka ansaxay,”ayuu Guddoomiyaha Guurtiddu ku yidhi Qoraalka uu u qoray Guddoomiyaha wakiiladda ee uu dib ugu soo celiyay xeerkaas.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. C/Raxmaan Cirro ayaa  18-kii bishan qoray qoraal uu kaga jawaab celinayo waraaqda uu Guddoomiyaha Guurtidu u soo qoray ee uu kaga dalbaday in la isa soo waafajiyo xeerkan la dhalan-gediyay   oo qoddobo ka mid ah aan loo soo gudbin sidii Goleweynuhu ku meel-mariyay markii hore.  Qoraalka Guddoomiye Cirro-na waxa uu u dhignaa sidan:-“Tixraac Qod. 78aad ee Dastuurka JSL waxa Golaha Guurtida xaq u leeyahay marka golaha wakiilada u gudbiyo mashruuc sharci inuu:
1)      Ogolaado
2)      Wax ka beddelo
3)      Ama diido.
Iyada oo la eegayo wado shaqeynta labada Gole, waxaan codsanaynaa in procedure-ka tixraaca mashruuc sharcigaas. Sidaa darteed, waxaan mudane guddoomiye halkan kuugu soo lifaqaya warqadii aad golaha u soo gudbisay.”
 
 
Tallaabadan ayaa ugub ku ah shuruuc isku gudbinta labada aqal ee baarlamaanka Wakiiladda iyo Guurtidda, taasi oo ah mid qayrul dastuuri ah iyo dhaqan cusub oo uu la soo baxay Guddoomiyaha Wakiiladda oo uu uga dan leeyahay in uu dib u dhigo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka fooda inagu soo haya, isagoo haddana mar walba xukuumadda ku eedeeya inay dib u dhigiso doorashada.
Lama garanayo tallaabadda Mudaneyaasha Wakiiladdu ka qaadan doonaan go’aanka sharci darrada ah ee Guddoomiye Cirro wax kaga bedalay go’aankii gole-weynuhu ansixiyeen, waxase la soo weriyay in Goluhu ay Salaasadda (Bari) iskugu iman doonaan fadhiyo aan caadi ahayn oo ay ku ansixin doonaan qoddobo ay ka mid yihiin miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2015-ka oo xukuumaddu hore ugu soo gudbisay iyo komishanka cusub ee doorashooyinka qaranka.
Xeerka ay C/raxmaan Cirro iyo xoghayaha golaha Wakiiladu wax-ka-bedelka iyo tiritirista ku sameeyeen ayaanu qayb ka mid ah halkan ugu soo gudbinaynaa akhristeyaashayadda, waana sidan:-
 
 Golaha wakiilada JSL wuxuu fadhigii 26aad ee kalfadhiga 25aad oo qabsoomay maalintii ay taariikhdu ahayd 30ka September, 2014 ku ansixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka diiwaangelinta muwaadinnimada iyo codbixiyeyaasha xeer LR. 37/2007. Goluhu wuxuu cod u qaaday Xeerkii xukuumaddu soo gudbisay oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah: qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo diray, tallo-bixintii guddi-hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiilada iyo lifaaqa go’aamo ah oo goluhu isla qaatay. Maalintaasi la ansixinayay xeerka xukuumaddu u soo gudbisay golaha, kana koobnaa 44 qodob, iyo qoraalada lagu lifaaqay waxaa golaha fadhiyay 66 mudane, waxaana cod gacan taag ah ku oggolaaday 64 mudane, waxaa ka aamusay hal (1) mudane, cid diiday ma jirin, Guddoomiyuhuna ma codayn. Haddaba, iyadoo xeerkan iyo lifaaqyadiisu golaha kaga ansaxeen aqlabiyad xoog leh ayaa waxaa nasiib darro ah markii xeerka loo gudbinayay golaha guurtida in tirtiris, wax ka beddel iyo wax ku daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyay xeerkii taas oo macnaheedu yahay in si badheedh ah loogu xadgudbay go’aankii golaha.
1)      Qodobka 2aad: Erey-bixinta
Waxaa la tiray, la soo biiriyey (kordhiyey) ama la dhalangediyay manihii xeerku siiyay ereyadan soo socda:

  1.        Diiwaanka:

Qoraalkii Golaha Wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
Diiwaanka: Waxaa loola jeedaa diiwaanka lagu qoro xogta muwaadiniinta Warqadda Aqoonsiga iyo codbixiyeyaasha.
Qoraalka Guddoomiyaha Goluhu sameeyay ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Diiwaanka:  Waxaa loola jeedaa diiwaanka lagu qoro magacyada codbixiyeyaasha ee goob doorasho kasta.

  1.        Diiwaanka Guud:

Qoraalka Golaha Wakiiladu u codeeyay wuxuu u qornaa sidan:
Diiwaanka Guud: Waxaa loola jeedaa diiwaanada dhexe ee la dhigo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka kuwaas oo lagu kaydiyo dhammaan xogta muwaadiniinta.
Qoraalka  Guddoomiyaha Goluhu sameeyey ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddeley sidan:
Diiwaanka Guud: Waxaa loola jeedaa diiwaanada dhexe ee la dhigo Xarunta Komishanka Doorashooyinka kaas oo lagu kaydiyo dhammaan magacyada codbixiyeyaasha Qaranka Somaliland.

  1.        Diiwaanka Gobolka Ama Degmada:

Qoraalka Golaha Wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
Diiwaanka Gobolka ama Deegmada: Waxaa loola jeedaa diiwaanka heer degmo ama gobo lee Warqadda Aqoonsiga ama warqadda codaynta.
Qoraalka Guddoomiyaha Goluhu sameeyay ee uu u gudbiyey golaha Guurtida wuxu u beddeley sidan:
Diiwaanka Gobolka Ama Degmada: Waxa loola jeedaa diiwaanka heer gobo lama degmo.
4.       Goob-joogayaal:
Qoraalka Golaha Wakiiladu u codeeyay wuxuu u qornaa sidan:
Goob-joogayaal: Waxaa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee hubinaya habsami u soocodka hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Qoraalka Guddoomiyaha Goluhu sameeyay ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Goob-joogayaal: Waxaa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee hubinaya habsami u socodka doorashooyinka.
5.       Waxaa lagu soo daray fasiraadda Ereyga “KOMISHANKA”
2)      Qodobka 3aad: Xadka Dhaqangelinta Xeerka
Xadka Dhaqangelitna Xeerka
Xeerka waxaa lagu maamulayaa diiwaangelinta sugidda muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha ee Qaranka Somaliland oo ay u kala xil saaran yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka una qabsoomaya siday ugu kala horreeyaan qodobkan.
Qoraalka guddoomiyaha Goluhu sameeyay ee uu u gudiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddeley sidan:
Qodobka 3aad
Xadka Ku Dhaqanka
Kaabistan iyo wax ka beddelkan waxaa lagu maamulayaa diiwaangelinta sugidda muwaadiniinta iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Qaranka Somaliland oo ay u kala xil saaran yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dawladaha hoose ee degmooyinka  iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka una qabsoomaya siday ugu kala horreeyaan qodobkan.
3)      Qodobka 4aad Aasaaska Diiwaanada
Qoraalkii golaha wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
Qodobka 4aad
Aasaaska Diiwaannada Sugidda Muwaadinka iyo Codbixiyeyaasha Qaranka Somaliland, Diiwaannadan oo lagu diiwaan-gelin doono muwaadin kasta oo gaadhay da’da diiwaangelinta Sugidda muwaadinka iyo ta codbixinta.
Qoraalka Guddoomiyaha Goluhu sameeyay ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Qodobka 4aad
Diiwaannada Codbixiyeyaasha Qaranka Somaliland
1.       Qaranka Somaliland waxa uu yeelanayaa diiwaanka muwaadinka oo lagu qori doono muwaadinka kasta oo u dhashay Somaliland.

  1.    Qaranka Somaliland wax auu yeelan doonaa diiwaanka codbixiyaha, diiwaankaasi oo lagu diiwaangelin doono muwaadin kasta oo xaq u leh in uu wax doorto ama la doorto, sida ku cad dastuurka iyo xeerka kale ee dalka.

 
La soco cadadyadda dambe qaybo kale oo ka mid ah xeerkani….
Dawannews HArgeysa office

Leave a Reply