Madaxweyne Ku Xigeenka oo Kormeer Kaga Dul-degay Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dalka

0
405

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay kormeer kedis ah ku soo maray qaybo ka mid ah xarumaha Wasaaraddaha Dalka, Goobaha Diiwaangelinta madaniga ahi ka socoto ee caasimadda Hargeysa iyo Hay’adda Shaqaalaha dawladda.
Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo aanay la soconin ciidamada ilaaladiisa u gaarka ah iyo baabuurta gaashaaman ee ciidamada madaxtoooyada  marka laga reebo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gashaanle sare Axmed Cilmi Maygaag, ayaa kormeer kedis ah ku soo maray Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu markaasi ku sugnaa Wasiirka Wasaaradaasi Dr. Cabdi Aw Daahir, oo Madaxweyne ku xigeenka Xafiis kasta oo wasaarada ka mid ah soo mariyey ugana war bixiyey hawlaha shaqo iyo sida ay ka wasaarad ahaan ugu heegan ka yihiin dhalinyarro badan oo ka soo baxday jaamacadaha Dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland  kormeerkiisa ku maray  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana halkaasi ku dhammaa masuuliyiinta wasaaradaasi, oo uu ugu horeeyo wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Wasiir ku xigeenka Amniga Cali Maxamed Cali , Wasiir ku xigeenka Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaarada.
Madaweyne ku xigeenka oo sii wata kormeerkiisa  la xidhiidhay xogogaal u noqoshada hawlaha qaranka ay wasaaraduhu u hayaan ayaa waxa uu u sii gudbay wasaaradda Waxbarashada iyo Hay’adda Shaqaalaha oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiintoodu.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici,  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu soo kormeeray qayb ka mid ah goobaha ay ka socoto Diwaangelinta Muwaadinku, gaar ahaan Degmada Gacan libaax, waxa uu madaxweyne ku xigeenku la kulmay muwaadiniin badan oo safaf ugu jira diiwaangelinta kaadhka muwaadinka, iyo shaqaalaha ku hawlan diiwaangelinta una adeegaya dadkooda iyo dalkoodaba.
Waxa  halkaasi madaxweynaha warbixino ku siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha gudaha. waxaanu ku hambalyeeyey shaqaalaha diiwaangelinta meel ay joogaanba hawsha balaadhan ee ay qaranka u hayaan, shacbiga, Somaliland na waxa uu ugu baaqay inay ku dedaalaan inay noqdaan kuwo qarankooda metela oo buuxiya shuruudaha muwaadinimo isna diiwaangeliyaan si ay u qaataan kaadhka aqoonsiga muwaadinka ugana duwanaadaan dadka aan u dhalan Somaliland hase yeeshee dalka ku dhex nool.
By: Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply