WEEDHA WARGEYSKA: Aan ILAAHAY Ka Magan-gallo Fowdada Uu Somaliland u Saadaaliyay C/Raxmaan Xoog!

0
519

Aan ILAAHAY ka magan gallo muuqaalka foosha xun iyo fowdada qaranka  Somaliland u saadaaliyay Xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ah Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladda oo laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, oo si aan maan-gal ahayn dalkiisa ula jecel fowdo iyo qas ka garbo duuba horumarka laxaadka leh ee xukuumad iyo shicibba ay ugu jeelan  yihiin inay mustawe ka sareeya halka maanta la joogo ay gaadhsiiyaan waddankooda qiimaha culus iyo dhiiga geesiga innagu taagan.  Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah Mudaneyaasha  iyo siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa toddobaadkii hore mar  uu ka hadlayay xaflad xisbigoodu ku qabsaday magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxa uu ka jeediyay hadallo isagana sharaftiisa la sii daadegaya ta xisbiga uu ka tirsan yahay-na ku noqon karta shaambad aan hadhin, waxa uu af mugii Xildhibaankaasi xasaanadii ummadda huwani uu  dadweynaha u soo jeediyay inaanay bixin cashuuraha noocyadooda kala duwan, taasi oo ah mid deel-qaaf ku ah qaranimadda.
Waxa kale oo uu ku baaqay in dadweynaha Somaliland ay dhabarka u soo jeediyaan dhismaha jidka Ceerigaabo oo aanay wax qaadhaan ah ku darsan, isla markaana ay mudaharaadaan haddii la is hortaago shir siyaasadeed garabka dhalinyarrada WADDANI doonayaan inay ku qabtaan degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex. Xildhibaankani waxa kale oo uu weeraray Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo uu ku eedeeyay inuu Wasiir u yahay degmadda Alley-baday, hase yeeshee aanu Wasiir u wada ahayn ummadda reer Somaliland oo dhan. Hadda Xildhibaanka sidaas u hadlayaa waa Xildhibaankii 2008-dii Baastooladda loo soo dhiibay ee ku qabtay shirgudoonka Golaha Wakiiladda oo uu ku jiray Guddoomiye Cirro oo uu imikana ka mid yahay xubnaha laf-dhabarta u ah xisbigiisa.
Waa Mudanihii taariikh xumadaasi ku suntanaa ee loo adeegssan jiray inuu Golaha qas iyo fowdo geliyo si looga baaqsado in aqalku gaadho qaraarro lagu xoojinayo xeerarka iyo shuruucda dalka ee Golaha Wakiiladdu ummadda ugu xilsaaran yahay, dhaqankaasi waxa uu Xildhibaankaasi ka dhigtay inuu dusha u rito fool-xumadii iyo taariikh xumadii Mudane ka tirsan Golaha Wakiiladdu ku kaco rubuc qarni ku dhowaadkii ay Somaliland jirtay. Haddii aan si kale u idhaahdo C/Raxmaan Xoog iyo noociisa oo kale la iskuguma dhererin karo, ummaddana meel kama wada joogaan Wasiir Samaalle oo maalinba  kaalinta uu ku jiro ah nin qaranka dhiniciisa ka dhisa oo aan danaysiga shakhsiga ah iyo beelnimadda aan marna lagu xaman, balse  leh sifooyin togan oo ummaddu ku muunayso.Halka Xildhibaan Xoogna  kaliya marka la doonayo in qof aan aqoon hore u lahayn  loo sheego, lagu tilmaansado in la yidhaahdo “XILDHIBAANKII BERIGII GOLIHIISA BAASTOOLADDA LOOGU SOO DHIIBAY” taasi macnaheedu waxa weeye ma laha taariikh kale oo siyaasadeed.
 
Waxa kale oo in la xuso oo la xasuusto ah  maalin maalmaha ka mid ah ayaa fadhi Golaha Wakiiladdu lahaayeen, waxay Xildhibaanaddu warbixin ka dhegaysanayeen Guddidii hore ee shuruucda iyo Garsoorka oo Golaha uga xog-waramayay kormeerro ay ku darsayeen duruufaha maxaabiista iyo xabsiyadda dalka, waxa  Golaha warbixin tifaftiran oo mowduucaas la xidhiidha ka hor jeedinayay C/Raxmaan Cismaan Caalin oo ahaa guddoomiyihii hore ee guddi-hoosaadkaasi, ka dibna Xildhibaan C/Raxmaan Xoog ayaa weydiiyay su;aal Mudaneyaasha dhabbanno hays ku noqotay oo ay aad ula yaabeen bayd gaabnimadda Xildhibaan Xoog oo ay u yaqaanaan oday dhaqan celis ah, waxa Xildhibaanka Maalintaasna laga guntay “Gudida Shuruucda waxaan weydiinayaa intii aad jeelasha kormeerayseen marna ma aragteen oo ma la kulanteen Taliyihii Saldhiga New Hargeysa oo sharci darro ku xidhan?”, ka dibna  Guddoomiyihii Guddidaasi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay su’aasha qoysnimaddu ka muuqatay ee Mudane C/Raxmaan Xoog ka soo yeedhay, waxaanu yidhi “Xildhibaan kormeerkayagu waxa uu la xidhiidhay xog ogaal u noqoshadda xaaladda guud ee jeelasha iyo maxaabiista, balse annagu ma aanu eegaynin hebeladda xidhan ardaayadooda iyo waxa loo haysto.”
Dharaartaasina waxay ahayd maalin kale oo aad loogu qoslay ajande xummadda  Xildhibaan C/Raxmaan Xoog. Hadalkii Xildhibaan C/Raxmaan Xoog ka jeediyay toddobaadkii hore Boorame, waxa uu ahaa mid karaamadda ka qaadayay xisbigiisa, sababta oo ah waxa is weydiin mudan. Xisbiga WADDANI marka uu ka soo horjeedo in la dhiso jidka Ceerigaabo oo la isku raacsan yahay in hirgelintiisu tahay qoddob weyn oo xagga horumarka loo qaaday.
Waxaynu markaa u fahmaynaa In Xisbiga WADDANI uu ka maarmay inuu cod iyo taageerro ka helo dadweynaha reer Sanaag oo hirgelinta wadadaas u arka inay tahay himiladooda koowaad. Yeelkeede’ waxa  Hoggaanka xisbiga WADDANI looga fadhiyaa inay ummadda u cadeeyaan inay Xildhibaankaasi la qabaan fawdada iyo qaska uu dalka u saadiyay marka uu leeyahay “Dadweynoow cashuuraha aydaan qaadi Karin ee la idin saaray diida” iyadoo aynu ognahay inaanay jirin cashuur cusub oo la kordhiyay oo dadweynuhu marnaba culays dheeraad ah ka sheegteen.  Si kastaba arrintu ha noqotee, waxaan leeyahay C/raxmaan Xoog  iyo inta la fikirka ahi ma curyaamin karaan horumarka wadanku hiigsanayo iyo iskaashiga bulshadda iyo xukuumaddoodu iskaga kaashanayaan in la taabo-geliyo oo la casriyeeyo kaabeyaasha dhaqaalaha wadanka, balse isaga ayaa xaashi kale oo madow ku qortay diiwaanka kaydka bulshadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply