Riyo Nebi Muxamed (scw) Fasiray

0
1253

Laba nin oo ka mid ahaa muslimiintii Reer Madiina oo isku wakhti soo wada muslimay, ayuu midkood dagaal jihad ah  ku dhintay isagoo Shahiiday. Sanad ka dib ayuu saxaabigii kale ee ay soo wada islaameen si caadi ah u isugana u dhintay. Haddaba saxaabiga la odhan jiray Dalxa Ibnu Cubeydi-llaah ayaa habeen ku riyooday labadii saxaabi oo Janada kuwada jira., iyadoo weliba kii sida caadiga ah u dhintay oo Janad ka hor galay.
Saaxaabigan ayaa aad ula yaabay siday suurtagal u noqon karto
nin shahiiday in Janad laga hor galo.
Dalxa Ibnu Cubeydi-llaah ayaa u sheegay saxaabada qaar ka mid ah. Iyadoo warkiina gaadhay Rasuulka (scw). Rasuulka Allah (scw) ayaa u yeedhay Dalxa oo weydiiyay Riyadii.
Rasuulka Allah (scw) ayaa u fasiray riyadii waxaanu uu yidhi “  Miyaanu saxaabigani soomin intii u dhintay ka dib  Ramadaan, miyaanu tukan lix kun oo rakcadood, iyo intaasoo rakcadood oo sune ah..?!  ( Iyadoo saxaabiga horena uu sii mootaana)” Waxaan Xadiisku inoo cadeeyay in Soonka iyo salaadu ay muhiim yihiin oo ay kor u qaadayaan miisaanka xasanaadka aad shaqaysto.

Leave a Reply