“Waan Ka Xumahay In Safarkayagu Ku Soo Beegmo Iyadoo Aan La Ansixin Komishankii, Xeerkiina La Soo Celiyay”

0
504

Hargeysa (Dawan)-Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi Qaran ee Somaliland,KULMIYE,UCID iyo WADDANI  Mudane Muuse Biiixi Cabdi, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo  Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shalay safar ugu ambo-baxay dalka Kenya, halkaasi oo ay sheegeen inay kula soo kulmayaan qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.
Guddoomiyayaasha Xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa ka hor intii aanay ka ambo bixin madaarka caasimada Hargeysa, waxa ay saxaafadda faahfaahin ka siiyeen ujeeddada socdaalkoodan.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Halkan Somaliland way ku dhan tahay, maadaama oo ay saddexdii xisbi marayaan, arrin qaran ayaanu u baxaynaa. Arriintaa qaran waxa weeye in aanu la kulanno deeq bixiyayaasha oo aanu kala kulanno barnaamijka dimuquraadiyadaynta Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo wixii kale ee Somaliland khuseeya. Safarkani waa safar gaaban oo shaqo oo illaa afar maalmood qaadanaya, waxaanu nahay wefti  u baxay Somaliland, oo danaha Somaliland ka soo hadlaya.”
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu yidhi “Nuxurka Socdaalkayagu waa in aanu la soo kulanno deeq bixiyayaasha, marka aanu leenahay deeq bixiyayaasha waxaan ula jeedaa dadkii innaga caawinayay arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha dimuquraadiyadda. Waxaan aad uga xumahay iyadoo aan Komishankiina la Ansixin, Xeerkiina la soo celiyay in uu safarkayagani ku soo beegmo, aad iyo aad baanu uga xunahay.”
 
Dhinaca kale, guddoomiyaha Xisbul Xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu safarkoodani daaran yahay sidii ay ula kulmi lahaayeen qaadhaan bixiyayaasha caalaamiga ah ee Somaliland ka taageera doorashooyinka, isla markaana ay ugala xaajoon lahaayeen sidii ay deeq bixiyayaashu ay u soo dhamaystiri lahaayeen wixii dhinacooda ku qabyo ah, maadaama oo ay xukuumadda Somaliland dhinaceeda dhamaystirtay shuruudihii looga baahnaa.”
Muuse Biixi  Cabdi, dhinaca kale waxa uu ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo xukuumadda ku dhaliilay in ay lugtaa hayso habsami u socodka qabsoomida doorashooyinka, waxaanu guddoomiye Muuse sheegay in eeddaasi Xukumadda iyo Xisbiga KULMIYE  bari ka yihiin.
“Horta Faysal dee imika waxbuu yar taabtay, isagoo iska dhawraya, Ninkana Usha Agtiisaa lagu dhuftaaye laguma jeexo.Wuxuu yidhi wax baa habsaansaamay oo wax baa habsaansan ah  oo waa waji gabax, Waji gabaxaas aad sheegtay Faysaloow Kulmiye iyo Xukumaddiisu shaqo kuma laha ee Bari baanu ka nahay ee waxba aniga ha ii duur xulin, ” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka KULMIYE, waxa kale oo uu sheegay in uu aaminsan yahay in dalka Somaliland uu  ka jiro hal Xisbi Mucaarid iyo laba Xisbi Muxaafid,waxaanu intaa ku daray in  uu u yaqaano xisbiga UCID oo kaliya mucaarid isla markaaa WADDANI uu u arko in uu dawladda ka mid yahay kol haddii uu Goddomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro Guddoomiye ka yahay, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi:-
“Baryahan Qoladiinan Mucaaradka ahi, anigu Mucaaradka waxaan u aqaan uun UCID oo dee WADDANI waa Golihii wakiilada labadayaduna markaa Qarankaanu nahaye’, waxaa aad naloogu duraa Kulmiye Doorashaduu habsaaminayaa Doorasho ma doonayo, kanuu daahiyay iyo kanuu daahiyay.”
Muuse Biixi Cabdi waxa uu intaasi raaciyay “Waar Waynu is hor fadhinaaye bal waxa nagu baaqday annaga noo sheega, annaga dhawr wax baa nalaga rabay, mid wuxuu ahaa Sharcigii doorashada,wuuna hirgalay,markii uu hirgalayna Weedh baad diideen oo aynu todobaad isku haysanay. Waxaa tidhaahdeen Dhaqaalihii soo diyaariya, waa naga diyaar, hadda Komishankan lagu rafanayo ee la leeyahay waxbuu daahinayaa, sababtiisa koowaad ee hala bedelo la isla qaatayna  idinkaa lahaa. Waa la soo bedelay haddaba Baarlamaankaa Fasax galay…Barlamaanka yaa xukuma ma anaga, waakan Gudoomiyihii Baarlamaanku. Sharcigii baa hadana la soo celiyay dee anaga nagumuu iman khaladka ku jiraa. markaas garan mayno meeshan aad Xukumaddu doorasho ma rabto ka tidhaahdaan illayn gari Ilaahay bay taqaane.”
By: Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply