‘Waxaan tagay oo aan soo arkay suuqa sarifka oo ahaa wakhtigaas mashquul oo ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badani oo ay taalo lacag tiradeeda aanan qiyaasi Karin’ Nathalie

0
402

 
‘waxaan weydiiyay dadka cida waardiyaynaysa lacagtan waxayna ii sheegeen inaanay jirin cid ilaalinaysa…..’  Nathalie
 
 
Dadka iyagu ku ganacsada suuqyada ayaa waxay isugu jiraan kuwo iibinaayo agabyo kala gadisan kuwaas oo maareeya noloshooda maalinlaha ah waxay ka helaan ganacsigoodu noocu doono ha ahaadee.
Ganacsatadan ayaa ah kuwo leh hami iyo hiigsiyo kala duwan oo ay ku rajo weyn yihiin inay ka gaadhaan ganacsigooda iyaga oo hiigsanaaya halka ay gaadheen in badan oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalkeena oo iyaguba markii hore bartan ay hadda taagan yihiin ganacsatadan yaryari ka bilaabay maantana ah kuwo ganacsigoodu aad u balaadhay.
Goobaha ganacsiga ee Somaliland ayaa ah goobo ka duwan goobaha ganacsiyada caalamka waxaanay tani keentay in marka ay dalka yimaadaan dadka ajaanibka ahi ay soo booqdaan oo ay aad ula yaabaan suuqa sarifka oo ah mid indhaha dadka soo jiidanaaya.
Waxa uu Barnaamijku la kulmay nin cadaan ah oo ka mid ah ajaanibka tirade badan ee dalka sida aad ah ugu soo qul qulaaya waxaanu kula kulmay wakhtigaas xili uu ku sugnaa badhtamaha suuqa Waaheen oo xiligaas ahaa xili ay ciidii arafo ee ina dhaaftay ay soo galaysay waxaanu si aad ah ula yaabay agabka suuqa yaala iyo sida aanay jirin ciidan iyo hub lagu ilaalinaayo hantidan,  waxa uu si dareen ku dheehan yahay u weydiiyay mid ka mid ah meheradaha wadada usoo xiga oo uu arkay inaanay meheradu lahayn albaabo lagasoo galo waxaanu ku yidhi habeenkii maxaad ku xidhaan waxa uu u sheegay wiilkii markaa meheradaas ku sugnaa in habeenkii aanay albab ku xidhin oo ay ku dadaan bac ka dibna ay ka hurdo tagaan subaxiina ay bacdaas uun ka rogaan waxayna ahayd arin uu aad ula yaabay waxaanu yidhi: “ tani waa mid ka mid ah waxyaalaha aan aadka ula yaabay”. Wuxuu intaas ku daray inuu u saamaxay amniga yala Somaliland. Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Nathalie ayaa sidoo kale aan wax ka weydiinay sida uu u arko iyo waxa uu ka odhan lahaa suuqa sarifka lacagaha ee badhtamaha Hargaysa oo uu iyana soo eegay waxa uu halkaas kusoo arkay isagoo ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi: “ waxaan tagay oo aan soo arkay suuqa sarifka oo ahaa wakhtigaas mashquul oo ay ku sugnaayeen dad aad u tiro badani oo ay taalo lacag tiradeeda aanan qiyaasi Karin waxaan weydiiyay dadka cida waardiyaynaysa lacagtan waxayna ii sheegeen inaanay jirin cid ilaalinaysa tanina waa mid aan aad ula yaabay ganacsiga intaas leeg iyo hantidaas aadka u tirade badan ee aanay cidi ilaalinayn ee haddana sida mashquulka ah dadku isku waydaaranayaan”.
 

Leave a Reply