Daalibaanta Bakistan oo Eriday Afhayeenkoodii oo u Leexday Daacish

0
425

Afhayeenkii Daalibaanta Baakistaan ayaa xilkii laga qaaday  kadib markii uu wacad ku maray inuu daacad u noqoanayo kooxda la baxday  dawladda islaamiga ah ee Daacish.
Afhayeenkaasi la eryay ayaa lagu magacaabaa  Shahidullah Shahid, waxaase magaciisa asalka ah lagu sheegay Sheekh Maqbool.
Maleeshiyada Daalibaanta  ayaa sheegtay in lagu bedelay xubin kale balse ma ay shaacin magaca afhayeenka cusub.
Qoraal ay soo saareen ayaa waxa ay carrabka ku adkeeyeen in ay taageersan yihiin hoggaamiyaha Daalibaanta Afqaan Omar.
Warka ayaa soo baxay wiigii hore markii la sheegay Shahidullah Shahid  iyo shan xubnood oo Daalibaanta Baakistaan ahi in ay u goosteen Daacish.
Faaqidayaasha ayaa waxa ay leeyihiin Daacish waxa ay loolan kula jirtaa Taliban, al-Qaeda iyo maleeshiyooyin kale.
 

Leave a Reply