Ganacsade ugu Deeqay Shaqaalihiisa Boqolaal Gaadhi iyo Guri

0
399

Ganacsade ka tanaaday dheemanta ayaa hadyad ahaan u qaybiyay boqolaal gawaadhi, guryo iyo qalabka la isku qurxiyo  isugu jira.

Ganacsadahaasi oo Hindi ah oo ka soo jeeda  gobolka Gujarat state ayaa abaalmarin ahaan u siiyay shaqaalihiisii baabuur, jewelery iyo guryo qiimahoodu gaadhayo  $8m (£5m) isaga oo sheegay inay ka soo baxeen waabaadkoodii u tilmaanaa.

Taajirkaasi oo la yidhaa Savji Dholakia,  waxa uu leeyahay shirkad dhoofisa dheemanta, waxaanu bixiyay 491 gaadhi , 525 qalabka qurxinta ah oo dheeman ah iyo  200  oo guri.
In ka badan 1,200 oo shaqaalihiisa ka mid ah oo ku filiqsan daafaha dunida ayaa ka faa;idaystay abaalmarintaasi.
Shaqaalaha ganacsadahaasi ayaa gaadhaya   7,500  dunida daafaheeda .
Mr Dholakia  ayaa la sheegayaa inuu shaqaalihiisa u abaalmarinayay si loofarnimo ah tan iyo 2012,  markaasi oo uu siiyay gawaadhi saddex ka mid ah shaqaalihiisa.
Sannadkii hore ayuu sida oo kale waxa uu hadyad u siiyay shaqaalihiisa 72 baabuur.

Leave a Reply