Orodyahanka Koofur Afrika oo lagu xukumay Shan Sano

0
456

Orodyahanka caanka ah ee Oscar Pistorious ayaa waxa u bilaabmay maalmihii xabsiga kadib markii maxkamadi ku riday xukun shan sano ah.
Pistorious waxa bishii hore lagu helay dambi ah in si aan ku talagal ahayn uu u dilay lammaanihiisii Reeva Steenkamp. Waxa isla markiiba loo qaaday jeelka Kgosi Mampuru, halkaasi oo la filayo in lagu hoy looga dhigo  qeybta husbitalka ah.
Dacwada waxa dhagaysanaysay maxkamad ku taala magaalada Pritoria.
Oscar Pistorious waxa sidoo kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah balse aanan hadda la xidheyn.
Qareenka difaacayay ayaa sheegay inuu filayo inuu xidhnaado 10 bilood iyada oo qaybta hadhayna xabsi guri uu ku qaadan doono.
Qoyskiisa ayaa sheegay in aanay ka qaadanayn wax rafcaan ah.
Haseyeeshee qoyska  Reeva Steenkamp  ayaa iyana sheegay in ay ku faraxsan yihiin xukunka, iyo in ay ka nasteen inuu kiiskii dhamaaaday.
Xeer ilaalinta ayaa ku baaqaysay in lagu xukumo ugu yaraan toban sano, halka kuwa difaacayay ku baaqayeen inuu xukunku noqdo xabsi guri iyo adeeg bulsho.
 
Oscar Pistorious, waa nin ku caan baxay tartamada orodka, waxa uuna ahaa qofkii ugu horreeyey oo curyaan labada lugood l’a oo ka qeyb gala cayaaraha oradada caalamiga ah.
 

Leave a Reply