Dagaal horleh oo ka Qarxay Magaalada Hareeraysan

0
389

Dagaal culus ayaa ka qarxay waqooyiga magaalada Kobane ee dalka Suuriya, kaddib labo maalmood oo ay xaaladda halkaasi daganayd.
Dagaalyahanada Kurdiyiintu waxa ay u malaynayeen in ay dib  u riixeen malayshiyada Khilaafada Islaamka oo is ku dayayay in ay la wareegaan magaaladaasi.
Xoogaga ay hor kacayaan Maraykanku ayaa sheegay in ay lix duqaymo oo xaga cirka ay ka gaysteen agagaarka Kobane, kuwaas oo dhacay axadii iyo isniintii, sidaas waxaa sheegay Maraykanka.
Kobane, oo ku taala xadka Turkiga waxaa weeye hadafka ugu wayn ee Khilaafada Islaamka, waxa uuna dagaal kaasi inta badan shacab kii ku qasbay in ay isaga qaxaan magaalada.
Dagaalkan cusub waxa uu yimid iyada oo Turkigu ay sheegeen in ay u ogolaan doonaan in dagaalyahanada Kurdiyiinta ee loo yaqaano Peshmerga ay xadkooda ka talaabaan si ay Suuriya ugula dagaalamaan Khilaafada Islaamka.
Wariyaha BBC Kasra Naji oo jooga xadka Turkiga ayaa sheegay in go’aankan uu aad wax ugu tarayo niyadda ciidammada difaaca ku jira awoodooda dagaalba.
Saraakiil u hadashay gobolka Kurdiyiinta ee Ciraaq ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay askar diran balse aysan wali helin amarkii ay ku soo diri lahaayeen
 

Leave a Reply