Maraykanka la ga helay Maydadka Haween la Dilay

0
374

Dembi baadhayaasha ku howlan  qofka dilay todobo dumar ah oo lagu dilay dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Indiana , ayaa sheegay, in qofka sida weyn looga shakisan yahay inuu u sheegay inay suurta gal tahay inuu dilay dad aad u badan 20 kii sano ee la soo dhaafay.
Baadhayaasha waxa ay sheegayaan in Darren Vann, oo 43 sano jir ah, inuu qirtay dilka, markii la weydiiyay gabadh 19 sano jir ahayd oo lagu dilay albeergo ku taala magaalada Hammond.
Booliska waxa ay sheegayaan in akhbaarta uu ninkaasi bixiyay in ay u fududeysay helidda lix mayd oo kale, kuwaas oo la dilay laguna qariyay maydadkooda guryo cidlo ah oo ku yaalla Waqooyiga galbeed ee gobolka Indiana.
 

Leave a Reply