Fadhiga Aan Caadiga Ahayn Ee Loogu Yeedhay Xildhibaannada Golaha Wakiiladda Iyo Qoddobadda Xasaasiga ah Ee Horyaalla

0
442

Hargeysa (DAWAN)- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la iskugu yeedhay Maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa  fadhi aan caadi ahayn oo ay muddo dhawr maalmood ah ku sii shaqayn doonaan, waxaana Xildhibaanadda aqalkaasi si weyn walaac uga muujiyeen xadgudubka iyo gefafka sharci ee uu ku kacay Guddoomiyaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo la caddeeyay inuu dhalan gediyay nuqulkii xeerkii  wax ka bedelka iyo kaabista  xeerka diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha  Xeer LR 37/2007 ee dhawaan aqalka odayaashu dib u soo celiyeen markii ay arkeen farqiga u dhaxeeya xeerka Guddoomiye Cirro u soo gudbiyay iyo sidii Goleweynaha wakiiladdu u meel mariyeen xeerkaas muhiimka ah ee lagu gabood-falay.
 
Waxa la sheegay in Xildhibaannadu aqlabiyadoodu ay shaki ka muujiyeen sida ay u aamini karaan Guddoomiye Cirro, maadaama oo la kashifay khiyaamadda uu Guddoomiyuhu ku marin habaabiyay go’aan golle, taasi oo ay Mudaneyaashu aaminsan yihiin inay laf-jab ku tahay shuruucda iyo xeer hoosaadkoodaba.
Fadhigan aan caadiga ahayn ayaa la sheegay in Goluhu ku meel marin doono 7-da xubnood ee komishanka cusub ee doorashooyinka iyo inay warbixin ka dhegaystaan Wasiirka Maaliyadda  Cabdi Casiis Maxamed Samaalle oo Golaha warbixin ka siin doona odoroska Miisaaniyadda  qaranka ee sannadka 2015-ka oo uu bishii hore u soo gudbiyay Wakiiladda si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Miisaaniyadda xukuumaddu hor-geysay Baarlamaanka ayaa ah tii ugu badnayd ee qaranku yeesho rubuc qarni ku dhowaadkii ay Somaliland jirtay.  marka la isku daro miisaaniyadda dawladda dhexe iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah odoraskeedu dhan yahay$251,254.023.
Odoroska Miisaaniyadda 2015-ka ee xukuumadda dhexe waxay dhan tahay $180,000,000 oo Dollar, halka ay sannadkan 2014-ka Miisaaniyadda Dawladda dhexe ka ahayd 152 Milyan oo Dollar. Farqi 28 Milyan oo Dollar ah ayay ka badan tahay Miisaaniyadii sanadkan, halka Miisaaniyadda hay’adaha madaxa banaan ee dawladuna lagu qadaray $29,474,399 oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay miisaaniyada sanadkan waxay samaysay sare u kac lagu qiyaasay dhawr iyo afartan milyan oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay mudnaan gaar ah siisay kor u qaadista wasaaradaha waxsoosaarka sida beeraha, xanaanadda xoolaha kalluumaysiga iyo wasaaradaha fuliya adeegyadda bulshadda sida waxbarashadda iyo caafimaadka.
Waxa kale oo miisaaniyaddani ay ahmiyad weyn siisay sidii loo sii adkayn lahaa nabad-gelyadda iyo hay’adaha qaabilsan amniga ay u qoondeysay kharashaad u suurto-gelinaya inay ku fuliyaan waajibaadkooda shaqo. Waxa miisaaniyadan iyana ku jira kharashaadkii loogu tallo-galay in lagu fuliyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo madaniga ah, taasi oo qeyb ka ah in doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan badhtamaha sanadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
 
Geesta kale, waxa la soo weriyay in fadhiyadan aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiiladda la iskugu yeedhay ay Mudaneyaashu wax iska weydiin doonaan xeerkan ay ansixiyeen ee Guddoomiye Cirro dhexda u galay isagoo doonaya inuu uga faa’iidaysto masaalixdiisa siyaasiga ah, balse aanu qiimaynin  Go’aankii Goluhu ku ansixiyay.
 
 
 
 
Haddaba waxaanu akhristeyaashayadda halkan ugu soo gudbinaynaa qeybtii labaad ee xeerka Guddoomiye Cirro dhalan-gediyay, iyadoo aanu Isniintii toddobaadkan idiin soo bandhignay qeybtii hore ee xeerkaasi iyo qoddobada la faro-fareeyay, waana sidan:-
 
 
 
 
 
4) Qodobka 7aad:  Ansixinta diiwaangelinta
Qoraalkii golaha wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
Qodobka 7aad
Ansixinta diiwaangelinta
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka masuul ah ansixinta diiwaangelinta muwaadinnimada iyada oo Komishankuna xil ka saaran yahay ansixinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorasho kasta. Hase ahaatee, Komishanku waa inuu furo diiwaangelinta codbixiyeyaasha muddo aan ka yarayn lix bilood ka hor xilliga doorasho kasta oo si loo diiwaangeliyo codbixiyeyaasha cusub loona tirtiro codbixiyeyaashii hore loo diiwaangeliyay ee xeer  ka reebay in dib loo diiwaangeliyo.
Qoraalka guddoomiyaha goluhu sameeyay ee uu u gudbiyay golaha guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Qodobka 7aad
Kaydinta Diiwaangelinta
1.       Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka masuul ah kaydinta, xafidaada iyo soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta muwaadinka.
2.       Komishanka waxaa xil ka saaran yahay kaydinta xafidaada iyo soo saarista liiska kama dambaysta ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha 60 bilood gudohood ka hor maalinta doorasho kasta.
5) Qodobka 12aad: Ansixinta diiwaangelinta
Qoraalka golaha wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
 
Qodobka 12aad
Nooca Warqadda Aqoonsiga iyo Warqadda Codbixinta
1.       Warqadda Aqoonsiga ama Warqadda codbixintu waa in ay ka samaysan yihiin shay aan si fudud u duugoobayn ama dhammayn oo aan wax laga bedeli karaynin ama la beeni abuuri karayn.
2.       Warqadda Aqoonsiga ama Warqadda codbixintu wuu nasakhmayaa lana ogolaanmaayho haddii ay warqaaddu tirtiran tahay ama ay qaybi ka maqan tahay oo aan la akhriyi karayn.
Qodobka 12aad
Nooca Warqadda Aqoonsiga iyo Warqadda Codbixinta
 
Warqadda Aqoonsiga muwaadinka (National ID) Warqadda codbixixntu waa inay ka samaysan yihiin shay aan si fudud u duugoobayn ama dhammaanayn oo aan wax laga bedeli karaynin ama la been abuuri karayn (laf).
6. Qodobka 12aad: Nidaamka Diiwaangelinta Muwaadinka
Qoraalkii golaha wakiilada u codeeyay wuxuu u qornaa sidan:
Qodobka 19aad
Nidaamka diiwaangelinta muwaadinka
Maalin kasta inta aan la furin goobta diiwaangelinta waxaa mas’uuliyiinta goobta ku waajib ah:-
1.       In ay  is-xaadiriyaan, isla markaana ay saxeexaan qalabka diiwaangelinta iyagoo diiwaangelinaaya lambarka tixraaca Foom-ka Diiwaangelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.
2.       Marka shaqo maalmeedka la soo gebagabeeyo waa in qoraal lagu cadeeyo tirada muwaadiniinta la diiwaangeliyey maalintaa, isla markaana ay saxeexaan hawl-wadeenaddu.
3.       Inay diiwaangeliyaan dhacdooyinka ay la kulmeen maalinta.
Qoraalka Guddoomiyaha goluhu sameeyey ee uu u gudbiyey golaha guurtida wuxuu u beddeley sidan:
Qodobka 19aad
Nidaamka diiwaangelinta muwaadinka
Maalinta kasta inta aan la furin goobta diiwaangelitna waxaa masuuliyiinta goobta ku waajib ah:
1.       Inay is-xaadiriyaan, isla markaana ay saxeexaan qalabka diiwaangelinta iyagoo diiwaangelinaya lambarka tixraaca Foom-ka diiwaangelinta ee ay maalintaa ku shaqaynayaan.
2.       Marka shaqo maalmeedka la soo gebagabeeyo waa in qoraal lagu cadeeyo tirade muwaadiniinta la diiwaangeliyay maalintaa, isla markaana ay saxeexaan hawl-wadeenadu.
3.       Inay diiwaangeliyaan dhacdooyinkii ay la kulmeen maalintaa.
4.       Goob kasta oo codbixineed  ayaa noqonaysa goob diiwaangelineed muwaadin.
7) Qodobka 28aad: Ku dhawaaqidda diiwaangelinta codbixiyeyaasha
Qoraalkii golaha wakiiladu u codeeyay wuxuu u qornaa sidan:
Qodobka 28aad
Ku dhawaaqidda diiwaangelinta  codbixiyeyaasha
Madaxweynaah ayaa ku dhawaaqaya xilliga la bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isaga oo ku soo saaraya Xeer madaxweyne ka dib marka uu helo soo jeedinta Komishanka doorashooyinka Qaranka muddo shan iyo toban maalmood gudahood ka bilaabanta uu helo soo jeedinta.
Qoraalka guddoomiyaha goluhu sameeyay ee uu gudbiyay golaha guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Qodobka 28aad
Ku dhawaaqidda diiwaangelinta codbixiyeyaasha
Komishanka Qaranka ayaa ku dhawaaqaya xilliga bilaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha marka ay tashadaan axsaabta qaranka, waxayna ku wargelin doonaan Madaxweynaha JSL.
8) Qodobka 29aad:  Dhaqangelinta diwaangelinta codbixiyeyaaha
Qoraalka golaha wkaiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:
 
Qodobka 29aad
Dhaqangelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha
1.       Komishanku waa inuu dhaqangeliyaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha ugu yaraan lix bilood ka hor maalitna doorashada.
2.       Muddada ay diiwaangelitna codbixiyeyaashu soconayso iyo hab raacaba (Procedure) waxa uu Komishanka doorashooyinka qaranku ku soo saarayaa xeer hoosaad (regulations).
3.       Komishanku isagoo adeegsanaya dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka, waa in uu daabaco, isla markaana baahiyo xilliga loo cayimay  diiwanaglinta codbixiyeyaasha iyo dhammaan wixii xog ah ee ay muwaadiniintu u baahan yihiin inay ogaadaan.
4.       Komishanka waxa ku waajib ah in uu baro, isla markaana ku wacyhigeliyo muwaadiniinta muhiimada ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu leedahay.
5.       Si arrintaa loo suurogeliyana Komishankau waa inuu diyaariyaa barnaamijyo qayb ka ah geedi-socodka diiwaangelinta oo loogu talogalay in lagu baro laguna wacyigeliyo dadweynaha  inay isu diyaariyaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Qoraalka guddoomiyaha goluhu sameeyay ee uu u gudbiyay golaha guurtida wuxuu u beddelay sidan:
Qodobka 29aad
Dhaqangelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha
 

  1. Muddada ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu soconayso iyo hab raacaba (procedure) waxa uu Komishanka doorashooyinka Qaranku ku soo saaraya Xeer-hoosaad (regulations).”
  2. Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply