“Inta Sharcigu Ii Ogol Yahay Waan u Taagan Nahay Doorashadda, Dalkayga Waan u Shaqaynayaa Waanan u Shaqayn jiray” “Waxaan Rajaynayaa oo Aan ku Kalsoon Nahay Inay Shacbigaygu Kalsoonidooda I siin Doonaan” Madaxweyne Siilaanyo

0
403

Hargeysa (DAWAN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horeeyay beeniyay war sheegayay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada, waxaanu shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay doorashadda madaxtinimadda ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
Madaxweynuhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu muddo tobbaneeye maalmood ah socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo uu 14-kii bishan ka furay shirweyne caalami ah oo Ingiriisku soo qaban-qaabiyay oo la xidhiidhay in beesha caalamka lagu dhiiri-geliyo inay maalgashadaan Somaliland oo ah wadan khayraad dihin leh.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa  madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiilada, wasiirro, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo dadweyne aad u tiro badan.
Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin wararkii ay qoreen  qaar ka mid ah warbaahinta  oo ay ku sheegayeen in uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay qabsoonto kal-dambe.
 
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aniga iyo weftiga ila socdaaba inaan  ku soo noqonno dalka oo nabad ah,  waana Illaahay mahadii shirkii  aanu tagnay waxa uu ahaa shir loo qabtay maal-gashiga Somaliland oo lagu soo qaaday sidii  maal-gashan lahaa Somaliland horumarkeeda, kaasi oo  wax weyn ka tari doona dhaqaalaha dalkeenna.  shirkaasi wuxuu  ahaa mid lagu guulaystay oo ay ka soo qayb-galeen dawladda Ingiriiska iyo cidii  kale ee ka soo qayb-gashay, waana mid aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in aanu ka qayb-galno kuna soo guulaysanay, Illaahayna waxaan  ka rajaynayno in aanu wax ka aragno midhihiisa.”
“Markii aan tagay waxa la faafiyay in aanan doorashadda dambe isu soo taagayn, taasina waa dacaayadii  badnayd ee waligood socon jiray oo caafimaadkayga ay wax kaga sheegi jireen weeye, taas wax allaale wax ka jiraana  ma jiraan,  inta sharcigu ii ogol yahay waan u  taagan  nahay doorashadda, Sharcigaana  ii ogol  dalkayga iyo dadkaygaba waan u shaqaynayaa waanan u shaqayn jiray, waxaanan rajaynayaa oo aan ku kal-soon nahay inay shacbigaygu kalsoonidooda  I siin doonaan.”
Madaxweyne Siilaanyo  waxa kale oo uu tilmaamay in dawlada Ingiriisku ay danaynayso inay wax la qabato Somaliland, waxaanu  yidhi “Dawladda Ingiriisku waxay aad u danaynaysaa in Somaliland wax la qabato, mar haddii ay shirkaa innoo qabatay oo dadkii dunida oo dhan iskugu yeedhay waxaanay muujinaysaa sida ay u danaynayaan horumarka Somaliland ay muujinaysaa, taasina wax weyn ayay inoo taraysaa.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply