Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Oo Kulan La Yeeshay Danjire Reer Masar Ah Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

0
448

Hargeysa (DAWAN)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. C/waaxid C/qaadir C/raxmaan ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka danjiraha  dalka Masar  u fadhiya Jabuuti.
Wasiir C/Waaxid  oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay safiir ku xigeenka dalka Masar  fadhiya Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in xidhiidh qoto dheeri  ka dhaxeeyo dawladaha  Somaliland iyo Masar, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay sidii ay u  dhinaca inkaaniyaadka uga taageeri lahaayeen wasaaradda warfaafinta Somaliland.
“Waanu idinku  soo dhawaynaynaa dalka Jamhauuriyadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta. Xidhiidhka labada dawladood  mid taariikhiya ayuu ahaa waligiiba dhinac kasta oo ay tahay haddii la eego xaga ganacsiga iyo haddii ay noqoto  dhinaca aqoontaba. Masar iyo Somaliland xidhiidh joogto ah  ayay waligood lahaayeen, waanad aragteen dalka nabadgalyadiisa iyo sida dadka reer Somaliland ugu midaysan yihiin  iyo siday  wax u qabsadeen, taasina waa ta idinku dhiiri-gelisay in aad dalka timaadaan,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Warfaafintu.
 
Wasiirku waxa uu u soo bandhigay dublamaasigaasi waxyaabaha ay dawladiisu ka caawin karto wasaaradda warfaafinta, waxaanu yidhi  “Dawladda Masar,  waa dawlad  weyn oo ka mid ah  duwalka waaweyn ee afrika iyo islaamkaba, waxyaabo badan oo aan iska kashan karno ayaa jira gaar ahaan wasaaradda warfaafinta oo ay ka kooban yihiin waxyaabaha aanu qabsan karno sida daraadeed, waxaan idinka rajeynaynaa in aad naga  gacan siisaan  tababarrada  qalab idaacadeed iyo mid Telefishan-ba  in aad naga gacan siisaan.”
Safiirku xigeenka dalka Masar u fadhiya Jabuuti oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay  kulan uu la yeeshay wasiir ku xigeenka iyo safiirka.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply