“Ololaha Scotland iyo Catalonia Wuxuu Xoojinayaa Rejada Aqoonsiga Somaliland” Madaxweyne Siilaanyo

0
369

London, (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo todobaadkii hore ka qaybgalay shir lagu falanqaynayay maalgeshiga iyo ganacsiga Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland ahaan dhiirigelinayaan dhaqdhaqaaqyada aqoonsi raadiska ah ee waddamada Scotland iyo Catalonia, isagoo xusay in aqoonsiga waddamadaasi ay soo dhaweynayaan ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka iyo dawladda Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka ay soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ingiriiska oo ay The  Guardian ee ka soo baxa London, waxa uu sidoo kale sheegay inay dhiirigelinayaan horumarinta dhinacyada beeraha iyo tamarta oo uu xusay inay qayb ka qaadan doonaan aqoonsiga, haddii horumarka dhaqaale ee Somaliland uu noqdo mid caalamka la jaan-qaada.  “Ololaha baryahan dambe ee dawladdaha Scotland iyo Catalonia ee madax-banaanidoodu, waxay xoojinaysaa rajada ay Somaliland si dhakhso ah uga heli karto madax-banaani Soomaaliya, taasoo anagana na siinaysa niyad-sami aanu ku gaadhi karno hadafkayaga mustaqbalka. Aqoonsiga Somaliland iyo horumarkeeda dhinaca dhaqaaluhuna waa wax isku xidhan, waayo aqoonsi bilaa horumar ahi macno badan ma samaynayo, waxaanay Somaliland u dhabar adaygtay inay waqti dheer sugto aqoonsi buuxa oo ay caalamka ka hesho.” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay awoodda saarayaan inay horumariyaan dhinacyada kalluumaysiga iyo tamarta, waxaanu yidhi, “Somaliland dhaqaalaheedu wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay xoolaha iyo beeraha, balse waxaanu doonaynaa inaanu xoojino oo aanu horumarino dhinaca kalluumaysiga, sababtoo ah waxaanu leenahay xeeb aad u dheer oo dihin iyo weliba khayraadka dhinaca macdanta.”
By: Siciid M. Askar
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply