Xukuumadda Oo Bayaamisay Mowqifkeeda Shir Lagu Qabanayo Denmark

0
460

Hargeisa (Dawan)- Wasiirka  qorshaynta qaranka  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  ayaa  iska fogeeyey  inuu ka qayb  galay  shir  lagaga hadlayay arrimaha federaalka dalka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay  magaalada Copenhagen  ee dalka Denmark.
Wasiirka qorshaynta qaran Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu cadeeyay in dawladda Somaliland ay ka qaybgalka shirkaasi mowqif cad iska taagtay ka qayb-galkiisa, maadaama oo aanu shirkaasi ahayn mid si siman Somaliland iyo Somaliya ay uga wada qayb galayaan.
Dr. Sacad Cali Shire, oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warfidiyeenada  waxa uu ugu horeyn ka waxbixinayaa ujeedada safar uu ku tagay magaalada Copenhagen  ee dalka Denmark, Waxaanu hadalkiisi ku bilaabay,  “safarka aan ku tagay Copenhagen. waxa uu ahaa safar kooban oo gaaban islamarkaana qaatay maalin kaliya, intii halkaa (Copenhagen) aan joogay waxaan arkay ninka ergayga ah ee horumarka u qaabilsan ama xoghayaha u qaabilsan dhinaca horumarka Ambassador Martin, waxaan kale oo aan la kulmay ninka madaxda ka ah qaybta (Security) amniga ka soo qaybgalka shirka bishan soo socata nofevembar 17-keeda ka dhici doona Copenhagen, shirkaasi oo ay qaban qaabinayso dowlada Soomaaliya oo la kaashanaya UN-ka, gogoshana ay fidisay dowlada Denmark”.
Waxaanu intaas ku daray isagoo markale ku celinaya mowqifka Somaliland ee ku wajahan  ka qayb-galka shirkaasi, Sshirkaa mowqifkeena dhowr jeer ayaynu cadaynay, shirkaasi maaha shir aynu ka qayb-galayno madxaxwaynuhuna dhowr jeer ayuu sidaa yidhi, sababtuna waxa weeyaan mar haddii aynaan si siman uga qayb galaynin laba wadan oo siman baynu nahay mar haddii aynaan si siman uga qayb galaynin, dabcan way soo hadal qaadeen waxaanan ku celinay mowqifkayagii ahaa mar haddii aynu inagu nahay Somaliland shirkaasi sida uu imika u abaabulan yahay oo aan si siman ahayn ka qayb gali mayno, markaa runtii mowqifkayagu wuu  cadyahay iyaguna way naga garowsadeen”.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply