Dawladda Hoose Ee Caasimadda Oo Bilawday Diiwaangelinta Gaadiidka Ka Dhex Shaqeeya Magaalada Hargeysa

0
406

Hargeysa (Dawan):  Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa bilawday diiwaangelinta gaadiidka kala ee dadwynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada, kuwaasoo isugu jira shirkado iyo iskaashatooyin ay leeyihiin noocyada kala duwan ee gaadiidku.
Iskaashatooyinka iyo gaadiidleyda ka dhex shaqeeya caasimadda Hargeysa ayaa soo dhaweeyay diiwaangelinta ay dawladda hoose ku tiro-koobayso gaadiidkaas, isla markaana waxay dadweynaha ugu baaqeen inay diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan.
Waxaanay shalay dawladda hoose ee Hargaysa markii u horaysay diiwaangelisay baabuurta saddexda lugood leh ee loo yaqaano Bijaajta, kuwaasi oo iyagna ka mid ah gaadiidka ka dhex dhex shaqeeya caasimadda Hargaysa.
Agaasimaha waaxda cashuuraha ee dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa Yuusuf Ismaaciil Sooraan ayaa isaguna tilmaamay in diiwaangelinta gaadiidku ay ahmiyad u leedahay hanaanka cashuur ururinta iyo koboca dhaqaale ee dawladda hoose.
Iskaashtada Bajaajta ee Sahal oo shalay la diiwaangeliyay gaadiidkeeda ayaa wax aka hadlay madashii lagu tiro-koobay gaadiidkaas madaxa iskaashatadaas Mukhtaar Cali Cismaan, waxaanu yidhi. “Ugu horeyn waxaanu aad ugu mahad-naqaynaa haddii aanu nahay iskaashatada Bajaajka ee Sahal agaasimaha waaxda cashuuraha ee dawladda Yuusuf Ismaaciil Sooraan oo runtii kaalin weyn ka qaatay sidii hawshani u hirgeli lahayd. Sidoo kale waxay iskaashatada Sahal dadweynaha ugu bushaaranaysaa inay ushaqayn doonto oo loo ogolaaday inay gaadiid dadweynaha u adeega noqoto. Sidoo kale arrintan waxay ka turjumaysaa waxqabadka muuqda ee maamulka cusub ee dawladda hoose maanta joogaa ay hirgeliyeen, bulshadana waxaanu ka rajaynaynaa inay nala shaqeeyaan, annaguna waxaanu diyaar u nahay adeeg kasta oo fududayn gaadiid ah aanu u qabano.”
Agaasimaha waaxda cashuuraha ee dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa Yuusuf Ismaaciil Sooraan oo isaguna ka warbixiyay ahmiyada tiro-koobkani leeyahay ayaa yidhi, “Maanta (shalay)  hawl-galkii labaad ee aanu ku diiwaangelinayno gaadiidka Bajaajta, ujeedada diiwaangelintan ka dambaysaana waxa weeye, si ay cashuurta dawladda hoose ay sare ugu kacdo oo ay kobocdo, si waxqabad loogu sameeyo, ujeedada labaad waxa weeye cashuur marka la doonayo, waxa ka horeynaya cashuurta diiwaangelinteedii, taasaana lagu ogaanayaa inta diiwaangeshan inta cashuur kasoo xerootay, arrintanina way soconaysaa oo dhamaan caasimadda Hargeysa gaadiidka kala duwan ee degmooyinka u kala goosha. Sidoo kalena waxaanu diiwaangelin doonaa iskaashatooyinka kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply